Maleeshiyaad Taabacsan Gen Indha Cadde Iyo kuwa Kale oo Ku Dagaalamay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

0
628
 Maleeshiyaad Taabacsan Gen Indha Cadde Iyo kuwa Kale oo Ku Dagaalamay Isgoyska KM4 ee Muqdisho 

 

Posted On:Thursday 28 April 2011

(Warsom) Mogadishu 

 

Maleeshiyaad Taabacsan Gen Indha Cadde Iyo kuwa Kale oo Ku Dagaalamay Isgoyska KM4 ee Muqdisho”

 

Ciidamo Kawada Tirsan Dowladda TFG-da ayaa Maanta waxa ay Isku Fara saareen Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho

Dagaalka ayaa Waxa uu Bilawday ka Dib Markii Ciidamo Boolis ah oo Ku Suganaa Isgoyska KM4 ay Dileen Rag ka Tirsanaa Ciidamada Yuusuf Indha Cadde

Wax yar ka Dib Dilkaasi Waxaa Isgoyska Soo Gaaray Gawaari Dagaal oo U Badan Kuwa Loo Yaqaan Zoo oo ay wateen Ciidamada Yuusuf Indha cadde Waxa ayna Goobta Ku Dileen Ciidamo ka Tirsanaa Kuwa Booliska Waxa ayna Muddo Kooban Ciidamada Indha cadde La Wareegeen Gacan Ku Haynta Isgoyska KM4

Durba Wxaa isgoyska laga dareemay Xiisad u Muuqatay In ay Ahayd Mid Qabiil Ku saleysan Balse xaalada ayaa waxa ay Qabowday ka Dib markii Ciidamada Amison ay Soo kala Dhex Galeen Isla markaan ay Ciidamadii taabacsanaa Yuusuf Indha cadde ay kala Wareegeen gacan Ku haynta Isgoyska KM4

 

 

 

 

 Wararka Soomaaliya (Warsom.com)Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)