Mid Ka Mid ah Wariyayaasha Ugu Caansan Muqdisho oo Muddo Ku Dhaw 8 bilood Si Sharci Darro Ah ugu Xiran Sodogiisa

0
666

Mid Ka Mid ah Wariyayaasha Ugu Caansan Muqdisho oo Muddo Ku Dhaw 8 bilood Si Sharci Darro Ah ugu Xiran Sodogiisa 

 

Wariye Maxamed Cali Maxamed (Madka) ayaa mudo ku dhow 8 bilood u xiran Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre) oo ah Taliyaha ciidamada badda TFG-da ayadoo si sharci darro ahna wariyahaasi uu ugu jiro xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho mudo 8 bilood ah mana jirto wax Maxkamad ah oo la soo taagay wariyahaasi axdi qarameedka ay sheegaan inay ku dhaqmaan TFG-da ayaa dadka u dhuun duleela waxay sheegayan in ay arintaan tahay mid ka baxdan axdiga TFG-da Mana jirto ilaa iyo Hada wax dhab ah uu u ku heysto Admiral Faarax Qarre Wariye Madka.

Ayadoo sidaasi ay jirto ayaa faarax qarre wuxuu aabbo u yahay Marwada u dhaxda Wariya Maxamed Cali Maxamed (Madka) waxaana madka uu dhalay caruur asigoona ka xeran xaaskiisa iyo qeybihii bulshada uu warka gaarsiin jiray.

Dhanka kale wariyayaasha gobolka Banaadir qafaalka lagu heysto wariye Madka cambaareeyay war murtiyeed ay soo saareen suxufiyiinta gobolka Banaadir C/qaadir Cumar Cilmi (Akiila) oo ah afhayeenka suxufiyiinta gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Madaxda sar sare ee Dowladda iyo waaxaha Cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan in loo soo daayo wariye Maxamed Cali Maxamed (Madka) ama la keeno Maxkamadaha la saaro dadka rayid ah

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)