R/wasaaraha Somali Americanka Farmaajo oo isku Ekeenaya Walaalkiisa Max’ed Siyaad Barre

0
76

Tan iyo markii beesha caalamka iyo baarlamaanka ay isku raaceyn in la ilaaliyo xeer hoosadka TFG-da oo qaba in bisha 8aad August sannadan 2011 ee fooda inagu soo heysa la qaban qaabiyo doorashada madaxtinimo ayna ka soo horjesteyn Shariif iyo farmaajo ayaa iminka waxa ay bilaabeyn weji cusub oo ay isku hortaagayaan dibad baxyada iyo shirarka lagu taageerayo go’aanada baarlamaanka.

Wasiirka arimaha gudaha C/shakuur xasan faarax oo akhrinayey bayaan ka soo baxay kulan ay yeesheyn golaha wasiirada xukuumada soomaali ajnebiga farmaajo ayaa waxa uu sheegay in aan la qaban Karin dibad baxyo iyo shirar lagu taageerayo go’aanada baarlamaanka iyo talooyinka ay soo jeediyaan odayaal dhaqameedka soomaaliyeed isgoona intaasi raaciyay in ay talaabo ka qaadi doonaan cidii u hogaansami weyso awaamirtan cusub ee ka soo baxday kulankoodaasi.

Iyadoo taasi ay jito ayaa saacado ka dib waxaa warbaahinta qeybaheeda kala duwan ee ka howlgasha magaalada muqdisho la hadlay taliyaha ciidamada Police-ka Shariif Sheekhunaa Maye oo dhankiisa sheegay in ay ka werheleyn dibad baxyo ay qaban qaabinayaan shacabka loogana soo horjeedo go’aanka madaxweyne Shariif iyo Farmaajo oo ku aadan ka beerida xeer hoosaadka TFG-da oo qeexaya in la qabto bisha 8aad August sannasa 2011 doorashooyinka masuuliyiinta ugu sareysa TFG-da.

Wejigan cusub ayaa dadweyne fara badan oo isugu jira aqoonyahano iyo indheergarad ku kala sugan gudaha dalka iyo

dibadiisa waxa ay ku macneyeen Famaajo iyo Shariif in ay sameynayaan isku dey ku saleysan caburin ay hoos socoto hanadadaad iyagoona qorshahooda ka dambeeya arinkani uu yahay raacida wadadii dowladii kacaanka ee uu hogaamin jiray Marxuum Max’ed Siyaad Barre iyadoona haatana ay bilawdeyn kacdoon shacab oo ay kaga soo hotjeedaan xukuumada taagta yar oo bilawday isku deyo ay horey ugu fashilmeyn dowlada dhowr ah oo ka tirsan wadamada muslimka qaarkood xididana loogu siibay madxweynayaal in muddo ah iska heystay talada wadamada ay markaasi madaxda ka ahayeen.