Madaxweynaha TFG-da Shariif oo Maanta Booqday Fariisimo Ay Ciidamada Shisheeye Ku Leeyihiin Degmada Hodan ee G/Banaadir.

0
61

Madaxweynaha TFG-da Shariif oo Maanta Booqday Fariisimo Ay Ciidamada Shisheeye Ku Leeyihiin Degmada Hodan ee G/Banaadir.

 

Madaxweyne Shariif oo ay wehlinayeen qaar ka tirsan saraakiisha TFG-da ayaa manta booqday xaruumo ciidan oo ka mid yihiin Kulliyadii hore ee Jalle Siyaad iyo gobo kale oo ay degan yihiin ciidamada shisheeye.

Shariif ayaa salaan kaga qaatay Kulliyada Jalle Siyaad ciidamo ka tirsan kuwa Burundi isagoona ku dhiira geliyay in ay ku dulqaataan islamarkaan ay u adkeystaan dagaalda qaraar ee kaga imaanya dhanka Xarkada Shabaab Al Mujaahidiin.

Waxaana booqashada Shariif uu manta ku tagay xaruumaha ciidamadan loo diiday in ay saxafiyiinta ka howlgala idaacadaha iyo TV-yada sida gaarka ah loo leeyahay ay ka qeyb galaan booqashadan iyadoona si gaar ah oo kaliya loogu ogolaaday in uu ka qeybqaato kaarmiro maanka madaxweynaha si uu u soo duubo codadka iyo muuqaalada sawirada madaxweynaha iyo sarakiisha ciidamada shisheeye si uu ugu qeybiyo saxafiyiintii loo diiday ka qeyb qaadsha booqasha madaweyne shariif ee xaruumaha ciidamada shisheeye ee degmada Hodan

waxaana arintani ay ku soo aadeysaa xilli cadaadis fara badan ka soo foodsaaray madaxwene shariif dharka godoonka baarlamaanka iyo xubno aad u fara badan oo taagersan siyaasada gudoomiyaha baarlamaanka TFG-da.

 

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)