Wasiirkii Hore macdanta iyo biyaha ee xukuumadii uu horkacayey Sharmarke General Cabdi qeybdiid islamarkaana soo qabtay taliyihii ciidanka Police-ka ayaa waxa uu ka jawaabay war ka soo baxay xukuumada soomaali ajnebiga Farmaajo oo ku aadanaa in aan la qaban Karin dibad baxyo iyo shirar lagu taageero go’aanada baarlamaanka TFG-da wuxuuna sheegay in arinkani uu qabo Axdiga kumeel gaarka isagoona carabka ku adkeeyay in arinkani oo kale ay horey kaga dagaalameyn shacabka aysan yeeli doonin cid caburisa.
“Mudaharaadyo iyo shirarba waa ay dhacayaan inaga ayaana ka qeyb qaadaneyna Axdiga dalka ayaana qaba lamina caburin karo afkaarta shacabka soomaaliyeed cagna uma dhigi doono hadalka war ka soo baxay xafiiska iyo xukuumada soomaali ajnebiga Farmaajo” ayuu yiri
Dhanka kale waxaa arinkani sidoo kale horey ugu hadlay isna dhankisa duqii hore ee magaalada muqdsho Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed dheere oo sheegay in dadka xor u yihiin soo bandhigida fikradahooda islmarkaana loo baahanyahay in masuuliyiinta TFG-da ay dhiira geliyaan fikradaha shacabka.
Arintani ayaa waxa ay u muuqaneysaa dagaal la hadal hayey in muddo ah inuu ka dhexqarxi doono siyaasiyiinta soomaaliyeed ee madda labaatanka sanno aan ka bxin wadanka soomaliya iyo soomaalida ajaaniibta faraha badan ee la wareegay xukunka dalka.
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(