Ciidamo Ka Tirsan Mujaahidiinta Al Shabaab oo Weerar Gaadmo ah Ku Qaaday Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ethiopia

0
81

Ciidamo Ka Tirsan Mujaahidiinta Al Shabaab oo Weerar Gaadmo ah Ku Qaaday Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ethiopia

Wararka inaga soo gaaraya degmada luuq ee gobalka Gedo ayaa waxa ay ku soo warmayaan in cutubyo ka tirsan ciidamo Ethopian ah iyo kuwa TFG-da ay la eegteyn qarax miino oo qasaare dhimasho iyo dhaawac geystay iyo weerar toos ciidamada Xarakada Shabaab Al Mujaahidiin oo dagaalo qaraar ay ku dhexmarayan mudooyinkan dambe deegaano ka tirsan gobalka Gedo.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in aan si rasmi ah loo cadeyn Karin qasaaraha soo gaaray ciidamada qaraxa iyo weerarkan tooska ah lala eegatay iyadoona la xaqiijiyay in ciidamadii qaraxa weerarka lagu qaadayna ay dib ugu laabteyn fariisimihii ay ka soo ambabaxeyn xilliga weerarkan iyo qaraxaasi lala eeganayey.

Waxaana dhanka kale masuuliyada qaraxani iyo weerarkan lala eegtay cutubyadani ka tirsan ciidamadan Ethopianka iyo kuwa TFG-da sheegtay masuuliyiinta ciidamada maamulka Xarakada Shabaab Al Mujaahidiin ee ku sugan gobalka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo qarax iyo weerar qasaaro nuucani oo kale ah geysta lagula eegato degmada Luuq ee gobalka Gedo cutubyo ka tirsan ciidamo Ethopian ah iyo kuwa TFG-da waxaana uu qaraxani iyo weerarkan ku soo aadayaa xilli mudooyinkan dambe ay ka jireyn deegaano ka tirsan gobalka gedo iyo weliba gobolo kale oo ka tirsan koonfurta soomaaliya halkaasi oo ay isku farasaarayeen ciidamada maamulka islaamiga ah ee Xarakada Shabaab Al Mujaahidii iyo cutubyadani ka tirsan ciidamada Ethopianka ah oo gadaal ka kaabaya kuwa TFG-da waxaana goor dhow idiin soo gudbin doonaa insha allaah qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan iyo qaraxani.

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)