Saxaafadii Soomaaliya ayaa dad aan ehel u eheyn hogaanka loogu dhiibay xili ay Joogaan Rugcadaayaashii Saxaafadda lagu yiqiin.
Ragga sida cadaalad dararada ah looga dhigay Masuuliyiinta ugu sareeysa Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa waxaa kamid ah wiil yar oo lasheegay in uu qurbaha kayimid islamarkaana Dhoor bilood oo kaliyah joogo Dalka Magaciisana layiraahdo C/fataax C/nuur oo laga Dhigay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA iyada oo aysan bahda Saxaafadda Gudaha iyo Dibaddaba ay san aqoon uleheen Wilkaan Yar lana tilmaamay in uusan Ehel uheen Mihnadda saxaafadda xilkaas oo uu horay uhayay Rugacadaaga Saxaafadeed kana mid ah Asaasayaashii Anshaxa iyo Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed Yuusuf Cali Haaruun (Yuusuf Fareey) balsi si Afgambi umuuqato looga qaaday.
Idaacadda Radio Mudisho oo ah Radiyaha Qaranka waxaa si Qaraabeysi iyo ina adeernimo ah loogu dhiibay Maamulkeeda C/raxin Ciise Cadoow oo ay Qaraabo yihiin Madaxweyne Shariif Kaa oo ay bulsha Soomaaliyeed Barteen oo qura mar uu Afhayeen u ahaa Midoowgii Maxaakiimta Aqoon Saxaafadeed Habayaratee aanan leheen Taana waxa ay sababtay in Idaacadda Radio Muqdisho ay noqotay Mid aan si kaleeleexad leheen u taageerto Siyaasadaha Madaxweynaha iyo Xukuumadda kana soo horjeesata oo aan ba soo hadal qaadin Fikradaha ay qabaan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Dhaliilsan Maxadweynaha iyo Xukuumadda, waxa uuna C/raxiin Ciise Idaacadii Codka Jamhuuriyadda oo loo Baahnaa in Dadka u dhexeeyso ka dhigay Idaacada Shaqsiyaad Danahooda lagu fuliyo waxaana u sabab ah Xilka uu hayo iyo Aqoontiisa oo aan isuqalmin waxeeyna ku tuseeysaa Khubarada Saxaadda oo aan Maamulka Idaacadda loo dhiibin in arinkaan marki horaba laga damacsanaa.
Sidoo kale C/raxiin Ciise xiliyada qaar waxaa moodaa in uu yahay Afhayeenka Madaxweynaha ama Madaxa Xafiiska Warfaafinta Macaxtooyada oo waxa uu Warbaahinta u akhriyaa Dikreetooyinka kasoo baxa xafiiska Madaxweynaha ee xilal lagu magacaabayo ama shaqsiyaad Xil looga qaadayo Taasna waxa ay cadeeneeysaa in uu sanba aqoon xilika uu hayo iyo Aqoonta saxaafadda uu san waxba ka garaneen.
Injineer C/maan Cusmaan Yariisoow ayaa Haatan waxa uu sheegtaa in uu yahay Afhayeenka Xukuumadda iyadoo Xilkaasi loo yaqiin Cabdi Xaaji Goobdoon oo aan halka looga qaday iyo meesha lagu magacaabay Yariisoow Balse uu isagu isku caleemo saaray Mana jirto Dikreeto Xilika qaadis Mudane Goobdoon iyo Magacaabis Yariisoow oo kasoo Baxday Xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo saxaafadda loo soo bandhigay.
Haatan Labada Rugcadaa ee Mihnadda Saxaafadaa oo ay bulshada Soomaaliyeed iyo tan beesha caalamkuba ku qadariyaan xirfadooda iyo aqoontooda Mudane Yuusuf Cali Haaruun (Yuusuf Fareey) iyo Cabdi Xaaji Goobdoon majiro Wax xilal ah oo dhanka Saxaafadda ah oo ay uhaayaan Bulshada Soomaaliyeed Waxa ayna Marti kayihiin wasaadda Warfaafainta oo 30 sano kabadan kasoo shaqeeynayeen.
Ugu dambeentii Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxa Talo kusoo jeedinayaan in arimahaani ay Dowladda si degdeg ah ku Xaliso oo ay Caburinta iyo Bahdilka kadeeyso Aabayaasha Saxaafadda Soomaaliyeed.
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
+25-26-15514953/+25-2699-995641
Mogadishu Somalia