Thursday, May 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si qoto dheer uga walaacsan xaaladda sii xumaaneysa ee bini’aadantinimo ee ka taagan Qaza, iyadoo ku boorrisay beesha caalamka inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo wax ku ool ah oo lagu dhimayo dhibaatada dadka reer Falastiin. Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda,...
Khasaaraha ka dhashay qaraxa miino oo ciidamada Puntland lagula eegtay deegaanka Xableey ee gobolka Bari ayaa sii kordhaya, iyadoo haatan tirada dhimashada ay gaareyso 13 askari. Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka Puntland, kuwaas oo qeyb ka ahaa gulufka...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay horumarin doonto xidhiidhka ay la leedahay dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay saaxiib soo jireen ah oo aan looga maarmayn iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo xidhiidhka Somaliland iyo waddamada Afrika. "Waxa aan xusayaa Itoobiya oo...
Ilaa 90 ruux oo Falastiiniyiin ah oo laga sii daayay Xabsiyada Israa'iil ayaa dib ula midoobay qoysaskooda, kadib markuu si rasmi ah u dhaqan galay heshiiskii xabad joojinta Gaza. 90-ka qof ee Falastiiniyiinta ah ee laga sii daayay xabsiyada ayay Israa’iil ku badelatay 3 qof oo ka mid ah dadkii...
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliya Cismaan Daallo oo la hadlay Tvga Qaranka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku howlan tahay sidii Warshadihii Dalka uu lahaa dib loogu howlgelin lahaa. Wasiirka ayaa tilmaamay in mashariicda ay Dowladda fulineyso ay qeyb ka yihiin Soocelinta xarumihii warshadaha dalka, iyagoo loo...
Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw beenisay wararka sheegayay in dowladda Soomaaliya ay ugu yeertay wadatashi deg deg ah Safiirkeeda dalka Kenya. War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay ineysan dowladda u yeerin Safiirkeeda dalka Kenya, islamarkaana wararkaasi yihiin kuwa been...
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay inay dileen dhowr dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish intii lagu guda jiray howlgal milatari oo saakay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Howlgalkan oo la sheegay inuu ahaa mid qorshaysan ayaa sidoo kale lagu qabsaday sida saraakiisha ciidamadu sheegeen 48 fariisimood oo ay...
Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa qormo kooban uu ku qoray bartiisa X waxa uu ugu baaqay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu wax ka badelo siyaasadda Dowladiisa ee ka dhanka ah Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Fahad Yaasiin waxa uu qoraalkiisa ku yiri "Waxaan maqli...
Xiisad colaadeed laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug, kaddib markii xalay ay is-rasaasayn halkaasi ku dhexmartay maleyshiyaad kasoo kala jeeda labo beel oo ku dagaalamay Galbeedka Mudug. Israsaasaynta oo ka dhacday xaafadda Garsoor ayay wararku sheegayaan inay ka dhalatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamo ka socday...
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta, Xil. Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa maanta guddoomay kaarkiisa aqoonsiga ee lafta ah, isagoo si rasmi ah u daahfuray daabacaadda kaarka aqoonsiga, waxaana uu shaaca ka qaaday inuu bogaadinaayp guusha muhiimka ah ee ay Hay'adda NIRA xaqiijisay. "Waxaan si mug weyn shacabka Soomaaliyeed...