Tuesday, September 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee caasimadda Muqdisho waxaa ay soo bandhigeen shilalka ay geysteen gaadiidka ciidamada dalka nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM. Shilalka qaarkood waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,dadka ugu badan ee saameysanta ay ku yeesheen waa shacab,sida u warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka. “Afartii sano ee...
Wasiiru dowlaha W. Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdullahi Sheikh Cali Qalocow ayaa shir la yeeshay wafdi uu hogaaminayo wakiilka Soomaaliya ee u qaabilsan Bangiga Aduunka, waxayna ka wada hadleen dar dargalinta howlaha shaqo uu Bangigu ka hayo Soomaaliya. Shirkaan oo daba socday shirar hore ayaa...
Dalka Koonfur-Africa ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa lagu dilay laba qof oo ganacsato Soomaali ah, sida warbaahinta dowladda Soomaaliya ay sheegtay. Muwaadiniinta Soomaalidda ah ee dalkaasi lagu dilay ayaa waxaa lagu kala magacabaa, AUN Nuur Cismaan Nuur iyo Maxamed Xuseen Gacal. AUN Nuur, ayaa waxaa goob ganacsi uu ku...
316 qof oo muwadiniin Soomaali ah oo ku noolaa dalka Yeman ayaa dib ugu soo noqday dalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka iyo soogalootiga Qaramada Midoobay ee IOM. Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 maalmood gudahood Soomaalidaasi ay soo gaareen gudaha dalka Soomaaliya. IOM ayaa 18-ka bishan July magaalladda...
Ibraahim Madoobe Nuur, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku nool degmadda ay heysato dhibatooyin adag oo dhinaca nolosha ah. Degmada Jalalaqsi ayuu guddoomiyaha sheegay in ay go’doomiyeen Xarakada Al Shabaab. “Waxaan dalbaneynaa in waddooyinka loo furo degmadda, si kaalmooyin loo...
Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab waxaa ay ka bilaabeen degaanno ka tirsan Degmada Bardaale ee Gobolka Baay. Weedow Cali Xasan, Guddoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayaa warbaahinta u sheegay intii ay ku guda jireen howlgalka in ay dileen dagaalyahanno ka...
Guddoonka Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya ayaa kulan la yeeshey Guddiga Doorashada Madaxa banaan ee Qaranka Soomaaliya Iyagoo ka wada hadley Habka Diiwaan gelinta Xisbiyada iyo Sidii Gudiga Doorashooyinka loogu heli lahaa DHaqaale ay ku shaqeeyaan Guddiga iyo Xafiisyada hoos taga gudiga. Ugu Horeyntii waxaa warbixin ay ka dhageysteen Madaxda Xisbiyadu...
Balamaanka Puntland oo maanta kalfadhi loo  dhan-yahay ku yeeshay magaalada Garowe ayaa kalsoonidii kala laabtay xukuumad-da uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ,taasi oo shaqaynaysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo furay kalfadhiga ayaa goobto ka akhriyay qodobo dhowr ah oo mudnayaashu...
 Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa si cad u sheegay in labadda xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI jabiyeen xeerkii anshaxa ee ay saxeexeen,isla markaana talaabooyin ka qaadi doonaan. Guddida doorashooyinka oo kulan la yeeshay wakiiladda saddexda xisbi ayaa markii uu shirkaasi dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan waxaanu...
County-gga Lamu ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ku soo badanayay bilihii lasoo dhaafay weerarada ay geysanayaan xarakadda Al Shabaab. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Isniintii shalay booqday Gobolka Lamu, waxaana uu ka bilaabay Ololaha uu ku doonayo in dib loogu doorto madaxtinimada dalkaasi. Mr Uhuru, ayaa...