Millatariga Maraykanka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya lagu qabtay nin looga shakisanyahay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, kaas oo mar ku noolaa dalka Mareykanka.
Afhayeenka howlgalka Mareykanka ee Africa ayaa sheegtay in Arbacadii lasoo dhaafay gacanta lagu dhigay Abdirisaakh Tahliid, oo lagu eedeeyay in Al Shabaab uu u fududeyn...
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray isku-dhacyadii shalay dhexmaray ciidammo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.
Isku dhacyadii ciidamada dhexmaray waxaa ku geeryooday ku dhawaad shan askari halka afar kalena ay ku dhaawacmeen. Mid kamid ah iska hor imaadyada waxaa uu ka dhacay...
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta gollaha shacabka, waxaana kulanka maanta lagu wadaa in warbixin looga dhageysto gudiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaran.
Xaliimo Cismaan (Xaliimo Yareey) oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin sidii ay warbixin u siin lahaayeen...
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in Wasiirka caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ay 1-da Bisha August u ambabixi doonaan dalka India si dowladda dalkasi ay ugala hadlaan sii deynta 118 Maxaabiis Soomaali ah oo ku xir-xiran dalkaasi.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in heshiis...
Hay’addaha amniga dalka Kenya ayaa ka digay weeraro ay geystaan Al-Shabaab iyo kooxo kale inta lagu guda jiro doorashada la filayo dhawaan in ay ka dhacdo dalka Kenya.
Kenya waxa ay sheegtay in heegan buuxa la geliyay dhammaan hay’addaha kala duwan ee Ammaanka,islamarkaana ay jirto cabsida Al-Shabaab.
Sii hayaha xilka wasiirka...
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay Xaafadaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir, sida dadka degaanka ay sheegeen.
Ciidanka ayaa baarayay dadka gaar ahaan dhallinyaradda, waxaana la sheegay in su’aallo ay weeydiinayeen.
“Ciidanka waxaa ay howlgalkooda ay wadeen ilaa xili dambe, dadka waxaa ay weydiinayeen su’aallo. Howlgalka waxaa lagu...
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa shalay la kulmay Safiiradda Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Amb Veronique Lorenzo, kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.
Wasiirka iyo Safiiradda ayaa intii uu kulankooda socday kawada hadlay...
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshayaal ay ku dooneyso in ay kusoo daabacdo lacago cusub.
Mudane Mahdi, ayaa hadalkaasi ka sheegay kulan Su’aallo lagu weydiinayay qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada, sida Wasiirka warfaafinta iyo Gaashaandhigga.
“Waxaa dhawaan suurta geli doonta, Wasaaradda...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya Antoine Sivan.
Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay...
Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaallaha, gudoomiyaha guddiga shaqaallaha rayidka ee Dowladda, xildhibaanno, safiir ku-xigeenka Turkiga, gudoomiyaha ururka shaqaallaha Turkiga, gudoomiyaha shaqaallaha Suudaan iyo xubno matalayey ururada shaqaallaha Afrika, Geeska Afrika, Carabta, Aasiya iyo waddamada islaamka ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad xariga looga jarayey dhismaha xarun...


















