Shirkan oo laba maalmood ka socday caasimadda dalka Mozambique ee Maputo, ayaa waxaa Wadamada Africa u qabtay Dowladda Japan waxana lagu casuumay wasiiradaha arimaha dibeda , danjirayaasha Safaaradaha wadamada Africa-da Koonfuureed iyo Aqoonyahinanno.
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya, Yusuf Garaad Cumar iyo danjiraha dowladda Soomaaliya u matala...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shalay la kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen howlaha ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyo...
Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Sabtidii shalay si rasmi ah u furay xarunta dhexe ee maamulka Internet-ka hay’adaha dowladda (Network Operations Center - NOC) ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooljiyada, taasoo ah middii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo caasimadda.
Xaruntan oo laga qeybiyo Internet-ka...
Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dhacadii ka dhacday degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Isloow ayaa sheegay in la sameeyey guddi baaritaan dhab ah ku sameeya dhacdadii Bariire, islamarkaana aan laga hari doonin inta laga xaqiijinayo waxa sababay dhacdadaasi.
Guddigaan ayaa looga fadhiyaa...
Maamulka Koonfur galbeed ayaa digniin adag u diray dadka garsoorka u raadsada degaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab .
Koonfur Galbeed waxa ay sheegtay in dadkaasi tilaabo adag laga qaadi doonto, islamarkaana cidii lagu helo la marsiin doono ciqaab adag.
Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Baay iyo wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed...
Xildhibaanada Galmudug ayaa goor dhow ansixiyay wasiirada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Ducaalle Xaaf.
Madaxweynaha Galmudug ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan wasiirada cusub , madaama dhibaatooyin badan ay ka jiraan degaanada maamulka Galmudug.
Fadhigii xildhibaannada ayaa waxaa soo xaadiray 57 mudane, iyadoo ilaa 52...
10 qof oo rayid ah oo saddex kamid ah ay yihiin carruur ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada Somalia iyo kuwa Maraykanka ay ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, habeen hore.
Ehelada dadkii lagu laayay beer ku taallo deegaanka Bariire, ayaa warbaahinta Magaalladda Muqdisho,...
Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa Khamiistii lasoo dhaafay sheegtay in dalka Soomaaliya ay kusoo noqdeen 70,516 Qaxooti Somali ah, kuwaasi oo iskooda ugu soo laabtay dalkooda hooyo tan iyo markii la bilaabay Hawlgalka dib usoo celinta Qaxootiga bsihii December ee sannadkii 2014-kii.
Warbixin kooban oo hay’adda...
Shirkii loogu magac daray African Leadership Forum 2017, ee ka socday dalka Koonfur-Africa, ayaa shalay si rasmi ah loosoo gaba-gabeeyay.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay qaar kamid ah Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa, waxaana dalka Soomaaliya shirkaasi uga qeyb-galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Hay’adda Thabo Mbeki foundation,...
Taliyaha ciidamada dowladda Somalia Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Maraykan ah lagu dilay 10 qof oo rayid ah oo 3 ay caruur ahaayeen.
General Cirfiid ayaa sheegay in shilkaasi uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Bariire uuna ahaa mid ku...


















