Dawladda Federalka Soomaaliya oo ku Hawlan Sidii Maamulka Hawadeeda ay Gacanta ugu dhigi laheyd.

0
614

Heshiis dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ICAO ayaa leysku afgartay in Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka hawada.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka soconayay dhismaha qeyb ka mid ah qalabka lagu kootaroolayo hawadda Soomaaliya oo durbaba dhismihiisa la bilaabay.

Wasiirka wasaarrada gadiidka iyo duulista hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Omaar aya wariyayaasha u sheegay in xariga laga jaray dhismaha qeyb ka mid ah qalabka oo lagu koontarooli doono saadaasha hawada.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda ICAO ayaa isku afgartay sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo wareejiyo magaalada Nairobi maamulka hawada Soomaaliya oo tan iyo markii ay dowladda dhexe bur burtay saldhig u ahaa, waxaana la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo wareejiyo magaalada Muqdisho.

warsom2011@gmail.com