Sunday, July 26, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Maalmihii ugu dambeeyay, baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay muuqaal iyo qoraallo muujinaya dad si khasab ah loogu kaxeeyay xarumaha laga qaato kaarka codbixinta. Qaar ka mid ah dadka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laga qaaday kaararka iyaga oo aan raalli ka ahayn, taasoo keentay su’aalo badan oo...
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socda qeybo kamid ah dalka, Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Munaasabadda lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe), xubno sare oo ka...
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh, ayaa sheegay in dib u dhiska Dowlad Goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo uu xalin doono muranadii muddada dheer ka taagnaa gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo loo aqoonsanaa dhul lagu muransan yahay. “Cid idin la murmi karta ma jirto. Idinkuna ha isgelinina muran,”...
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, kuwaas oo uu hoggaaminayey Iskuduwaha Barnaamijka Hubka ee INTERPOL, Joaquim Rodrigues, kaasoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii...
Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), Sarreeye Guuto David Keter, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay ciidamada Kenya ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya qaybta hawlgalka AUSSOM, si uu u qiimeeyo hawlgallada socda uguna dhiirrigeliyo moraalka ciidanka. Sarreeye Guuto Keter ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta Labaad...
Isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa isku khilaafay shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, iyadoo shirkaasi la filayo inuu rasmi ahaan ka furmo magaalada Laascaanood maalinta berri ah. Isimmada ayaa u kala jabay laba garab: Qaar waxay taageersan yihiin hoggaanka maamulka SSC, halka kuwa kalena ay dhinac yihiin siyaasiyiinta iyo...
Shirka lagu waday in lagu qabto magaalada Laascaanood si loo dhameystiro dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, oo ay taageerayso dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa markale dib u dhacay maantoo Sabti ah. Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle oo saxaafadda kudlay magaalada Laascaanood, ayaa ku eedeeyay dad uu ku tilmaamay "huwan" inay wadaan...
Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo uu ka socda abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa waxaa gaaray saacadahii lasoo dhaafay ciidamo aad u tira badan. Ciidamadan ayaa ka kala yimid degmooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo kasoo jeeda beesha Habargidir. Saraakiisha hoggaamineysa...
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ay kawada hadleen in mashaariicda shirkadaha Turkida la geeyo degaanada Galmudug. Kulankan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka horumarinta iyo...
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa magaalada Cammaan ee dalka Jordan kaga qeybgalay daah-furka Istaraatiijiyadda Carabta ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga. Munaasabaddan muhiimka ah oo ay kasoo qeyb-galeen wasiirro iyo masuuliyiin ka kala socday wadamada Carabta, ayaa lagu lafaguray doorka dhallinyaradu ku leeyihiin...