Thursday, September 10, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka SSC maamulka Waqoyi Bari Soomaaliya ayaa ku wargaliyay musharaxiinta in habeen dambe ay ku eg tahay qabashada araajida. Guddiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegeen, in musharaxii aan guddiga usoo gudbin codsigiisa ugu dambayn siddeeda fiidnimo ee habeen dambe uusan ka qeyb...
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Houston ee Mareykanka ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta. Wasiirka ayaa intuu socday shirkan caalamiga ah kulamo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin sar sare iyo madaxda shirkadaha Maraykanka...
Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagabeeyay hawlgal laba toddobaad socday oo dhammaaday 23-kii Agoosto 2025, kaasoo uu ka fuliyay gudaha Puntland. AFRICOM ayaa sheegay in duqeymadu lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugan Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga Baallade. Hawlgallada...
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha kadib wadahadalo ku dhexmaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga masuuliiyin ka kala socotay labada dalka oo halkaasi uga qeyb galaya shirka Ururka Islaamka. Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Jeddah...
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaalam Cabdi Cali, ayaa si adag uga hadlay xaaladda adag ee ay wajahayaan shacabka Falastiin, gaar ahaan dadka ku nool Gaza, intii uu khudbad ka jeedinayey shirka degdegga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Jeddah. Wasiirku waxa uu...
Xubnaha Mucaaradka ee dhawaan isaga baxay Golaha Samatabixinta ee Shalay heshiiska la gaaray dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ay la kulmaan xubno ka tirsan Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in xubnahaan ay...
Waxaa maanta lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug  doorashada kursi ka mid ah kuraasta golaha shacabka, kaasoo sumadiisu tahay HOP#248. Doorashada kursigan ayaa waxaa ku guuleystay Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq Joon, kadib markii uu shalay iska casilay kursigaan Xildhibaankii ku fadhiyay oo ah ganacsade Maxamed Cabdi...
Wararka ka imanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in firxadka kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad ay gabbaad ka dhigteen xaasaskooda iyo carruurtooda oo ku sugan godadka kuyaalla halka loo yaqaan Maraagane oo ku dhex yaalla Togga Baallade. Afhayeenka howlgalka Hillaac, Gen. Maxamed Axmed Faadhigo, ayaa u sheegay...
Israa'iil ayaa duqeyn culus ka fulisay caasimadda Yemen ee Sanca, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Israa’iiliyiin iyo Yemeni ah, weeraradan cusub ayaa colaada kusii fidinaya gobolka xilli dagaalka Gasa uu weli socdo. Weerarradan ayaa yimid kadib markii kooxda Xuutiyiintu ay hore u sheegtay in ay gantaallo ku garaacday Israa’iil si ay...
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi aj u shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka ee sanad dugsiyeedka 2024-2025. Wasaaradda ayaa ku dhawaaqday in Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2024-2025  iney u fariist3en Arday gaareysay 38,471, islamarkaana Ardayda baastay oo gudubtay ay gaarayaan...