Thursday, September 10, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo soo gabagabeeyey geeddi-socodkii dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kaas oo hadda si buuxda uga mid noqday dowlad goboleedyada xubinta ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya. Geeddi-socodkan oo ku dhisnaa wadatashi, adkaysi iyo go’aan adag ayay Dowladdu sheegtay inay hormuud...
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Sabtidii qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirkooda laba-geesoodka ah, kadib markii ay labada dal kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo dhigaya in si joogto ah la isula yeesho wadatashiyo siyaasadeed. Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan rasmi ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha...
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay weheliyaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Taliyaha Difaaca ee Safaaradda Masar ee Soomaaliya, Kornayl Axmed Fathi Cabdelsatar Al-Xusayni. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal, barnaamijyada tababarka ciidanka, iyo dardargelinta diyaar-garowga ciidanka Masar ee...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada dalka ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Cabdulqaadir Xuseen Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayay. Kulanka dhexnaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti ayaa looga arinsaday in labada dhinac sii xoojiyaan xiriirka istaraatiijiga ah ee...
Dowladda Maraykanka ayaa joojisay duqeymaha cirka ee ka socday gudaha togga Baallade, isagoo ka cararaya khasaaraha rayidka ah, kaddib markii la ogaaday in haween iyo carruur ku sugan yihiin aagga bartilmaameedkooda. Go’aankan ayaa yimid xilli hawlgallo wadajir ah ay wadeen ciidamada Puntland iyo Maraykanka oo muddo toddobaadyo ah ka socday...
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay heshiisyo dhanka difaaca ah oo Soomaaliya la saxiixatay dalalka kala ah Urdun, Qadar iyo Pakistan. Kulanka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa maanta shir guddoominayey Raysal wasaare ku xigeenka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac. Heshiisyadaan Golahu ansixiyeen...
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed garabka uu hoggaamiyo madaxweynihii hore dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray xarigga dowladda Fedaraalka u geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole. Nabdoon Xaadoole oo Shalay askar ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya ay kasoo xireen hoygiisa oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa Madashu ku tilmaamtay...
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo haatan musharrax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si aan tuhun ku jirin uga shaqeynayso sidii loo dooran lahaa mar kale madaxweyne Firdhiye. Musharax Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay sababta ay Dowladda Federaalka...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Shakhboot bin Nahyan. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, waxaana si gaar ah looga arinsaday dhinacyada dhaqaalaha...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya Taliyaha Guud ee Sirdoonka Dalka Sudan (General Intelligence Service), Sareeye Gaas Axmed Ibraahim Cali Mufaddal. Kulankan ayaa waxa uu sareeye gaas Mufaddal uu Madaxweynaha u gudbiyey farriin rasmi ah oo uga timid Guddoomiyaha Golaha Kumeelgaarka ah...