Thursday, September 10, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidamada Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Ceeldheer, gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa la keenay magaalada Muqdisho, si halkaan lagu daweeyo. Ciidamadan oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa si degdeg ah loogu soo qaaday xarumaha caafimaad ee caasimadda, gaar ahaan Isbitaalka Xoogga, halkaas oo lagu daweynayo,...
Xafiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Argagixisada (UNOCT) ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabayo mashruuc cusub oo lagu magacaabo: “Taageeridda Bariga Afrika ee la-dagaallanka isticmaalka argagixisadu ee qaraxyada gacanta lagu sameeyo (IEDs)”. Mashruucan oo socon doona muddo saddex sano ah ayaa lagu xoojinayaa hirgelinta sharciyada la xiriira ka hortagga argagixisada iyo dhisidda...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Boqortooyada Ingiriiska kala wareegtay Gaadiid iyo qalab casri ah oo loo farsameeyay iney ka hor tagaan waxyaabaha qarxa. Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Gaadiidka iyo qalabka casriga ah ku wareejisay Ururka Sancada ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka...
Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarka gardarrada ah ee ay dawladda Israa’iil ku qaaday Dawladda Qatar, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Doha. Goluhu wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, isla markaana si buuxda u...
Aljeeriya, Pakistan, iyo Soomaaliya, iyagoo si dhow ula shaqeynaya dowladda Qatar, ayaa si rasmi ah uga codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dib loogu dhigo shirka degdegga ah ee looga hadlayo weerarka Israa’iil ku qaaday caasimadda Qatar ee Doha. Shirkaasi oo markii hore lagu waday inuu qabsoomo xalay kadib...
Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani, si uu uga tacsiyeeyo weerarkii foosha xumaa ee Israa’iil ka geysatay magaalada Doha. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si qoto dheer ugu muujiyey Amiirka Qatar xanuunka iyo murugada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, halkaas oo lagu weeraray guryo ay daganaayeen dad rayid ah. Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay falkaasi mid gardarro ah oo si toos ah uga hor imaanaya shuruucda...
Gudoomiyaha Ururka Dadka Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa Wax lagu Farxo Ku Tilmaamay Dib u Furidda Diiwaangelinta Dadweynaha Gobolka Banaadir taas oo Meesha ka Saari Doonta Cabasho ka Imaaneysay Dadweynaha aan isdiiwaangelin. Gudoomiye Timajilic ayaa Sheegay in ay Haboontahay in isdiiwaangelintu iska Furnaato ilaa Doorashada 15 Cisho ka hor,maalintaasna...
Bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Norway ayaa taariikh ka dhigay doorashooyinka baarlamaanka dalkaas ka dib markii laba siyaasi oo asal ahaan Soomaali ah loo doortay baarlamaanka, taasoo muujineysa korodhka matalaadda bulshooyinka qaxootiga iyo muhaajiriintu ku yeelanayaan golayaasha sharci dajinta ee waddamada Yurub. Maryan Cabdi Xuseen, oo markii ugu horeysay...
Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ka hadlay halista ay isbeddelka cimiladu ku hayso dalka Soomaaliya, isaga oo khudbad ka jeedinayey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo ka socda magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya u baahan tahay $6.3 bilyan oo doolar si...