Intii lagu jiray dood furan oo ku saabsan amniga badda oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) qabtay, ayaa Dowladda Soomaaliya waxay adkaysay muhiimadda ay leedahay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS) oo ah aasaaska isticmaalka badaha dunida si nabad iyo iskaashi ah.
Wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay in...
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay isku dirayso oo isku laynayso ciidan Soomaaliyeed oo aan wax colaad ah ka dhaxayn. Wuxuu sheegay in waxa ka socda gobolka Gedo ay yihiin “dhibaato aan indhaha laga qarsan karin.”
Hadalkan ayuu sheegay saakay, kaddib dagaal culus...
Ciidanka Booliiska Puntland ayaa shacabka deegaanadiisa ugu baaqay inay ka feejignaadaan suurtagalnimada in firxadka Daacish ay ku dhuuntaan bulshada dhexdeeda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ay socdaan howlgallo cirka iyo dhulka ah oo lagu doonayo in lagu ciribtiro haraadiga kooxda Daacish ee ku sugan...
Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sareeye Guud Sam Kavuma, ayaa booqday magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, taas oo dhowaan laga xoreeyay gacanta Al-Shabaab kadib howlgal milatari oo socday laba toddobaad.
Taliyaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen ciidamada AUSSOM (oo ay hoggaaminayaan Uganda) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF), isagoo ku tilmaamay guushan...
Puntland ayaa sheegtay in maamulka Waqooyi Bari ee lagu aas aasay magaalada Laascaanood uu wiiqay rajadii shacabka reer Sool iyo reer Cayn ay ku aas aasteen maamulkoodii SSC Khaatumo.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cilmi Lugatoor, ayaa sheegay in Puntland ay taageersanayd rabitaanka dadka labada gobol ee Sool iyo Cayn...
Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxafadeed ay ku sharaxeyso muhiimadda uu leeyahay adeegga dad dhigista iyo tirakoobka madaniga, iyadoo la adeegsanayo hab casriga ah.
Wasaaradda ayaa Warsaxafadeedka ku sheegtay in 10ka Agoosto oo maanta ku beegan in loo asteeyay in Afrika ay xusto maalintaan loo gaarka...
Shir qorshuhu ahaa in maanta lagu qabto Villa Soomaaliya, kaasoo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Badbaadada Mucaaradka, ayaa dib loo dhigay ilaa Arbacada, 13-ka Agoosto, kaddib markii lagu guul darreystay in laga heshiiyo qodobo muhiim ah oo khuseeya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Wararka laga helayo ilo ku dhow...
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay kadib markii ciidamada dowladda ay la wareegeen magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuu sheegay in ay jiraan quwado shisheeye oo si toos ah u taageeraya kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa ku micneeyay hadafka quwadahaan iyo ujeedkoodu yahay in...
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa khasaare weyn kala kulmay howlgalkii lagu qaaday degmada Bariire oo dib gacanta dowladda ugu soo laabatay maalintii Jimcaha ahayd.
Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 17 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda (UPDF) ay ku dhinteen howlgalka, waxaana...
Somaliland waxa ka bilaabmay kacdoon lagaga soo horjeedo shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel kadib markii ay shalay si lama filaan ah kor ugu qaadeen qiimaha adeegga xidhmooyinka internetka ee ay bixiyaan.
Labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel ayaa ku heshiiyay in ay ku dhawaad libinlaab kordhiyaan qiimaha lagu iibsado...


















