Wednesday, June 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Omar Abdulkadir Artan, ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo 18-ka garsoore ee rasmiga ah ee ka qeyb geli doona Koobka Adduunka ee FIFA U-20 2025, kaasoo lagu qaban doono dalka Chile. Cartan, oo sidoo kale garsoore ka ahaa final-kii CAF Champions League 2024/2025, ayaa...
Waxaa magaalada Dooxa ku kulmay Marwo Maryam bint Cali bin Naasir Al-Musnad, Wasiiru dowlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Qatar, iyo Cali Maxamed Cumar, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar. Intii uu socday kulanka, labada dhinac...
Dowladda Soomaaliya maamulka Puntland ku eedeysay afduub iyo xad-gudub lagula kacay sida ay sheegtay markabka SEA WORLD oo dhawaan laga qabtay xeebaha Puntland, kaasoo waday hub iyo gaadiid dagaal. Dowladda ayaa sheegtay in Markabkan uu u rarnaa  xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, sida ku cad heshiisyada iskaashiga difaaca ee u...
Dowladda Mareykanka ayaa si cad u sheegtay inaysan taageersaneyn qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku hantido dekedda Assab ee dalka Eritrea, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka kadib khadka taleefanka uu kula xiriiray Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, Ra’iisul...
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Switzerland ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo lagu horumarinayo adeegyada socdaalka iyo amniga xuduudaha. Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo tayada adeegyada socdaalka, la kordhiyo aqoonta shaqaalaha, isla markaana la helo qalab casri ah oo lagula tacaalo dukumiintiyada been abuurka ah. Agaasimaha Guud...
Wasaaradda amniga gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ku dhexmaray magaalada Baladxaawo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa eedeymo culus loogu jeediyay iyo inuu ka dambeeyay dagaalkii maanta...
Booliiska Somaliland ayaa sheegay in aan weli la qaban ninka loo haysto in uu habeenkii Axadda laba dhallinyaro ah ku dilay magaalada Hargeysa, balse ay ku daba jiraan. Dhallinyarada la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Khadar Ibraahim Maxamed, 23 jir ah, iyo Suldaan Axmed Cabdillaahi, 22 jir ah, ayay...
Turkiga ayaa si xooggan u kordhinaya saameyntiisa siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya, iyadoo si rasmi ah loogu falanqeeyay kulan uu yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Turkiga. Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda, Nuh Yılmaz, ayaa sheegay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya inuu yahay mid gaar ah oo ku saleysan taariikh, dan-wadaag...
Xildhibaanada mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa maanta warsaxaafadeed ay soo saareen ku muujiyay walaac xoogan oo ay ka qabaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka. Warsaxafadeedka Xildhibaanada Mucaaradka ah ayaa si gaar ah farta loogu goday hubanti la’aanta siyaasadeed ee kala fogaanshaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka,...
Madaxweynaha dalka Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa si kulul ugaga digay Itoobiya in ay mar kale isku daydo in ay dagaal ku qaaddo dalkiisa, isagoo sheegay in ay tahay khiyaali laga shallayn doono. Hadalkan ayaa imanaya iyadoo xiisada u dhaxaysa labada dal ay cirka isku sii shareerayso. Ereteriya iyo Itoobiya ayaa...