Hidisaha Xeerka Cusub ee Booliska Soomaaliya oo Barlamaanka Federalku Aqrintiisii 1’aad Guda galeen.

0
442

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay doodda la xiriirta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kadib kulan ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 21-aad, ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhameystirka doodda akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka, iyadoo xildhibaano badan ay aragtiyadooda ka dhiibteen qodobada ku jira hindisaha, iyaga oo ka hadlay mabaadi’da guud iyo muhiimadda uu sharcigani u leeyahay hanaanka amniga dalka, maadaama uu marayay akhrinta koowaad sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga in ay diyaariyaan akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka, si mar kale dib loogu soo celiyo golaha loogana sii doodo.

Dhanka kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale loo qeybiyay hindiseyaal sharciyeedyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dheddiga, iyo Axdiga Xakameynta Tubaakada, kuwaas oo la filayo in goluhu ka doodo kalfadhiyada soo socda.