Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku dhawaaqay deeq lacageed oo gaaraysa $200,000, taasoo lagu taageerayo dadaallada gurmad ee lagu wajahayo abaarta ba’an ee ka taagan Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.
Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib kulan uu Guddoomiyuhu la yeeshay wasiirro...
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo hadda, muwaadiniinta ay qasab tahay in ay soo bandhigaan kaar aqoonsi qaran si ay u helaan adeegyada bangiyada, sida furashada xisaabaad, bixinta iyo dhigashada lacagta, iyo codsashada amaahda.
Tallaabadan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) iyo...
Xaalada magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta degan kadib dagaalo culus oo halkaasi ka socday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Deganaashaha maanta laga dareemayo gudaha magaaladaas ayaa salka ku haya, kadib markii ciidamada dowladda oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Charles King, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Madaxweynuhu waxa...
Shirweynihii dhameystirka dowlad goboleedka SSC-Khaatumo oo socday muddo 8 maalmood ah ayaa si rasmi ah uga soo gabagaboobay magaalada Laascaanood, gobolka Sool.
Shirkan ayaa lagu ansixiyay dastuurka dowlad cusub oo lagu magacaabay Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, waxaana caasimad u noqonaysa magaalada Laascaanood.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Federaalka Soomaaliya, Cali...
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta magaalada Jabuuti si rasmi ah u kala saxiixday heshiis lagu kordhinaayo ciidamada dowladda Jabuuti ka jooga gudaha dalka Soomaaliya.
Heshiiskaan ayaa waxaa labada dowladood u kala saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo ku simaha Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon, waxaana...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, isaga oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur, halkaas oo...
Sowda Ahmed Mohamud, oo ah muwaadinad Soomaaliyeed, ayaa lagu xukumay maxkamadda federaalka Mareykanka kadib markii ay qiratay dambiyo la xiriira sheegasho been ah oo ay ku dalbatay magangelyo iyo markhaatifur been ah oo ay ka sheegtay maxkamad socdaal.
Sowdo ayaa lagu helay dambiyo saddex ah oo ku saabsan warbixinno been...
Magaalada Doha ayaa martigelisay shirkii heer wasiir ee Kooxda Xiriirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada caalamiga ah ee lagu dhisayo saldhigyada amniga, horumarka iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Suldaan Bin Saad Al-Muraikhi, oo hadal ka jeediyay...
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, si ay u eegaan horumarka laga gaaray dadaallada xasillinta Soomaaliya iyo iskaashiga amniga gobolka.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa diiradda lagu saaray kala-guurka amni ee ka socda Soomaaliya,...


















