Tuesday, June 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Masar ayaa si dadban uga jawaabtay hadaladii safiirka Itoobiya ee uu ku duray ciidamada Masar ee la keenayo Soomaaloya, iyada oo ku tilmaamtay in Addis Ababa ay abuurayso shaki ku saabsan ujeedooyinka Masar ee Soomaaliya. Ilo diblumaasiyadeed oo Dowladda Masar ka tirsan ayaa sheegay in Itoobiya ay isku dayayso...
Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay La-taliyaha Ammaanka Qaranka ee Soomaaliya, Amb. Awes Hagi Yusuf Ahmed, kaa oo ka dhacay Villa Soomaaliya. Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin, Habka kala guurka ammaanka...
Senator-ka Mandera, Ali Roba, ayaa sheegay in magaalada Mandera ay soo galeen ciidamo ka tirsan Jubbaland, taas oo uu ku tilmaamay khatar toos ah oo ka dhan ah madaxbannaanida Kenya iyo badbaadada dadka deegaanka. Roba ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii darayso, iyadoo iskuullo badan la xiray, ganacsiyadu istaageen,...
Guddoomiyayaasha labo guddi oo Golaha Wakiilada Mareykanka u qaabilsan la dagaallanka Xisbiga Shuuciga Shiinaha, ayaa ku boorriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda in ay Somaliland ka saarto digniinta safarka ee guud ee Soomaaliya. Waxay ku doodayaan in talaabadan ay muujin doonto xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland, dhiirrigeliso maal-gashiga Mareykanka, isla markaana ka...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Wasiirka Difaaca Seerbiya, Bratislav Gašić,  kaa oo ka dhacay magaalada Belgrade iyagoo diirada saaray xoojinta iskaashiga Military ee labada Dal. Wada-hadallada u dhexeeya labada Wasiir ayaa salka ku hayay fursadaha iskaashiga difaaca, iyagoo hoosta ka xariiqay...
Austria ayaa markii ugu horreysay muddo ku dhow labaatan sano ah Soomaaliya dib ugu celisay laba qof oo Soomaali ah. Labadan nin ayaa Talaadadii lagu soo dejiyey caasimadda Muqdisho, sida uu sheegay wasaaradda arrimaha gudaha ee Austria. Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in raggan lagu xukumay dambiyo kala duwan,...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) ayaa Maqaal uu qoray kaga hadlay kaalinta uu Turkiga ku yeeshay dib-u-soo kabashada Soomaaliya. Wasiirku wuxuu dib u milicsaday safarkii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011, isagoo tilmaamay in booqashadaas...
Xukuumadda Oslo ayaa si cad u muujisay sida ay uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga labada dhinac, iyadoo ballanqaadday in ay sare u qaadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si looga hortago loona maareeyo xaaladaha bani’aadamnimada iyo musiibooyinka dabiiciga ah. Ballanqaadkan waxaa bixisay Merete Dyrud, Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Norway...
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Timacadde, ayaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaarihiisa inay kasoo qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay kaalin weyn ka qaadatay sidii goboladda...
Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka socda Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar ayaa gaaray magaalada Jowhar, xarunta maamulka Hirshabelle, si ay u fuliyaan hawl ku saabsan qiimeyn amni oo horudhac u ah imaanshaha guutada ciidankooda ee qeyb ka noqonaysa howlgalka AUSSOM. Wafdigan waxaa hoggaaminayey Sareeye Guuto Islam Radwan,...