Sunday, August 16, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Labo Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la dilay kuwa kalana dhaawac ayaa soo gaaray weerar ay ku qaadeen magaalada Wajir ee dalka Kenya ee u dhow sohdinta dhinaca waqooyi ee Soomaaliya iyo Kenya sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Wadankaasi. Taliyaha Booliska waqooyi bari Rono Bunei, ayaa sheegay in kooxda...
Shirka Wasiirada Arimaha Dibada ee wadamada barwaaqo sooranka ah (G7) oo todobaadkan ka dhacay London, ayaa war murtiyeeed kasoo baxay waxaa qeyb kamid ah looga hadlay arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Wadamada G7 ayaa sheegay in ay ka  walaacsan yihiin jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya, isku dhacyadii rabshadaha watay ee u dhexeeyey...
Wasiirka arimaha gudaha dalka Germany Horst Seehofer ayaa mamnuucay ururka islaamiyiinta ee fadhigoodu yahay Düsseldorf, isagoo looga shakisan yahay inuu maalgeliyo kooxaha islaamiyiinta mayalka adag sida Falastiiniyiinta Xamaas iyo kooxda Al-Shabab ee Soomaaliya. Horst Seehofer ayaa ku dhawaaqay Shabakadan in ay  ku maalgeliso argagixisada deeqaha ay adduunka ka hesho. “Haddii aad...
Bayaan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa kagy sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabadii ay shalay qaadeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, taas oo si rasmi ah dib loogu noqday heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020. "Waxaan boogaadineynaa ku dhawaaqistii Madaxweynaha ee aheyd in Ra'isul...
Dowladda UK ayaa ku baaqday in muhiim tahay qabashada doorasho ku dhisan heshiis iyo wadar ogol iyadoo loo daneynayo ammaanka, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya War ka soo baxay safaaradda Uk ee  Muqdisho ayaa sidoo kale ku amaantay amaantay go’aanka ay qaateen Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ee...
Dowladda Maraykanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay si deg deg ah wax uga qabtaan baabi'inta hindise sharciyeedka jihaynta doorashooyinka ee la meel mariyay 12 bishaan Abril. Maraykanka ayaa si gaar ah u xasuusiyay madaxweyne Farmaajo inuu fuliyo ballanqaadkiisii 28-kii Abriil ee ku saabsanaa inuu dib...
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii Larry Edward André Jr  u magacaabay in uu noqdo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Safiirka cusub ayaa badali doona Donald Yamamoto oo dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump u magacaawday safiirka Soomaaliya. Safiirkan cusub Andre ayaa ka mid ahaa   diblomaasiyiin sar sare  uu madaxweyne...
Hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa dowladda Kenya siisay soo jeedin ku saleysan xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma. Arrintan ayaa daba socota 14 maalmood oo kama dambays ah oo ay dawladda Kenya u soo saartay hay’adda UNHCR inay la timaado qorshe lagu xidhayo labada xero,...
Beesha caalamka ayaa qoraal ay galabta soo saareen waxay walaac xooggan kaga muujiyeen meelmarinta uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17kii Sebtember. Waxay sheegeen qaraarkaas inuu xambaarsan yahay geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha iyo...
Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dalalka sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid go'aankii dhawaan Golaha Shacabka muddo kordhinta aay ugu sameyeen madaxweyne Farmaajo. Wasiirka arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska James Duddridge ayaa sheegay iney ka xun yihiin tallaabada muddo kordhinta labada sano ee Xildhibaanada...