Thursday, August 13, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ciidamo gurmad ah u dirtay howlgallada dib u xoraynta ee ka socda gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. Ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho, ayaa ku wajahan deegaannada kuyaala bariga gobolka Galgaduud si ay u gurmad ugu noqdaan ciidamada xoreeyay qeybo kamid ah Galgaduud. Saraakiisha hoggaaminaya ciidamadan ayaa...
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeeladda dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu Ka socdo deegaanka Hilowle Gaab oo katirsan gobolka Shabeeladda dhexe. Deegaanka Hilowle Gaab oo katirsan degmada Ruunirgood ayaa sakaay waaberigii waxaa dagaal culus kusoo qaaday dagaalamayaal katirsan kooxda Alshabaab, waxaana weli socda dagaalka . Ururka Alshabaab ayaa war ay...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax qabadka hay'adaha dowladda ee sanadka 2023. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada...
Magaalada Laascaanood ayaa hada xaaladeedu dagantahay, isla markaana maamulka iyo qaybo shacabka ka mid ah ayaa ka shaqaynaya adkaynta nabadgalyada sida maayarka magaaladu sheegay. Maayar Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, oo Laascaanood warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in iska hor imaadkii xalay dhex maray millateriga iyo dhalinyaro hubaysan oo ka gadooday dil...
Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo Shalay ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas loo adeegsaday laba baabuur oo noocoodu yahiin Saruf. Tirada dhimashada qaraxyadaasi geysteen ayaa la xaqiijiyay iney gaartay 35 ruux oo isugu jira shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya,...
Sarkaal u hadlay Ciidamada Millateriga Somaliland ee gobolka Sool, ayaa sheegay in ciidamada millaterigu ay magaalada uga baxeen si ay uga fogaadaan in khasaaruhu sii bato. Sarkaalka millateriga u hadlay ayaa sheeegay in ay ka xunyihiin dilka ciidanku u gaystay Maxamed Cali Saadle oo kamid ahaa shacabka Laascaanood, isaga oo...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo booqasho ku jooga dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta Cali Maxamed Al-Bawaaridi. Labada wasiir ayaa kulankooda kaga wadahadlay arrimaha amniga gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ka socda qaar...
Dowladda Uganda ayaa sameeysay guddi soo baara sababtii lagu dilay saddex askari oo Ugandhays ah oo loo soo diray Soomaaliya, kuwaas oo katirsan howlgalka midowga Afrika. Afhayeenka Ciidamada Difaaca Shacabka, Sareeye Guuto Felix Kulayigye, ayaa sheegay in askarta dhimatay iyo kan falka geystay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Midowga Afrika,...
Xaaladda magaalada Laaascaanood ayaa qasan kadib markii xalay halkaasi ay la wareegeen maleyshiyaad deegaanka ah, kuwaas oo kasoo horjeeday joogitaanka Somaliland. Dagaal culus oo xalay ka dhacay Laascaanood ayaa sababay in ciidamada Somaliland lagu khasbo inay magaalada isaga baxaan, inkast0o ay ku sugan yihiin magaalada duleedyadeeda. Lama saadaalin karo xaaladdu siday...
Labo Qarax bumbo-gacmeed ayaa caawa ka dhacay afafka hore ee hotel Ku yaalla magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Jaabir. Falkaan ayaa dhacay xilli uu hotelka ka socday kulan maamulku soo qaban qaabiyay oo lagu taageerayay  doorashada golayaasha deegaanka Puntland. Illaa iyo hadda lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay bombo...