Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta Gor-gor oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay 150 Jirgaan oo ay ku jireen Shidaal iyo budada laga sameeyo qaraxyada.
Howlgalka lagu qabtay agabkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kadib markii ciidamada dowladda ay heleen...
Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Taliyaha ayaa gudaha magaalada Baledweyne kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxgaradka gobolkaas...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay raacdo dhammaan fursadaha diblumaasiyadeed ee lagu xalin karo ismariwaaga kala dhaxeeya Itoobiya.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay haddii taas la waayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay dagaal, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Shalay Salaadii Jimcaha kadib khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Masajid ku dhex yaala madaxyooyada dalka.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, isagoona ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay leedahay in dalka laga ciribtiro...
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay inay u tartanto doorashada kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Wasiirka arrimaha dibbada, ayaa sheegay, tartankaan inuu yahay fursad weyn oo Soomaaliya aan soo maridoonin afartanka sano ee soo socda.
Sidaas awgeed, wuxuu sheegay in Soomaaliya...
Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa saacadahii lasoo dhaafay soo gaaray inta badan Xildhibaanada Beelaha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, masuuliyiin kale iyo dad weyne oo farabadan.
Masuuliyiintaan kala duwan ee soo gaaray Baledweyne ayaa u...
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay, in ay wada hadalo kula jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii Soomaaliya ay dalbatay in meesha laga saaro jiritaanka xafiiska (UNSOM).
Afhayeenka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Ari Gaitanis, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay raacaan tilmaamaha Golaha Ammaanka,...
Khabiirka Madaxa Banaan ee QM ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Isha Dyfan oo soo gabagabeysay booqashadeedii saddexaad oo ay ku tagtay Soomaaliya, ayaa muujisay welwel ku saabsan is-afgarad la'aanta wax ka beddelka lagu sameeyay cutubyada dastuurka dalka.
Isha Dyfan, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan wadahadalada si loo...
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in lagu degdegay go’aanka ay Soomaaliya ku codsatay in aan dib loosoo cusboonaysiin waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Axmed Ciise Cawad oo la hadlayay VOA Soomaali, ayaa aaminsan in aan weli laga maarmi karin shaqada uu xafiiska...
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay Joojinta Shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta ee Soomaaliya (UNSOM).
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda dowladda, waxayna dowladdu sheegtay inay...


















