Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay amaanka baraha koontaroolada ee laga soo galo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Baraha koontaroolada ayaa lagu arkaayay maanta baaritaano ka duwan baaritaanadii hore, waxaana baarista qeyb ka ahaa ciidanka miino baarista iyo eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa.
"Ciidanka Howl-galada iyo Baraha Kontorolada...
Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga horyimid war kasoo baxay dowladda fedderaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen degaanada Calmadow ee gobolka Sanaag.
War saxaafadeed goor dhowayd kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee...
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay la wareegi doonto awoodda Soomaaliya, haddii Midowga Afrika uu kala baxo ciidamadiisa dhammaadka sannadkan.
Isagoo ka hadlayay booqasho uu ku tagay dalka Mareykanka, ayaa hoggaamiyaha Kenya waxa uu ku baaqay in Washington ay u istaagto sidii looga hortagi lahaa...
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin amni, iyadoo kula talisay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Muqdisho inay muujiyaan taxadar dheeraad ah toddobaadka soo socda.
War qoraal ah oo kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa loogu sheegay muwaadiniinta Mareykanka, in weerarrada argagixisadu ay u dhici karaan si lama...
Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta soo gaaray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Waraaxafafeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in James Swan uu diiradda saari doono sidii looga taageeri lahaa dowladda Fedaraalka iyo dadka Soomaaliyeed dhinacyada...
Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay naq la taaban karo ka sameeyay xaafadaha Baledweyne.
Xaafadaha sida weyn u saameysay fatahaada wabiga Shabeelle ayaa kala ahaa Kooshin iyo Xaawa taako oo ay ka barakaceen qoysaska ugu badan, halka Bundaweyn iyo howlwadaag meelo...
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateyn ku soo rogay saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu qabo qaraarka tirsigiisu yahay 2713.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweis Jaamac ayaa bogaadiyay go’aankan.
“Dowladda Federaalka ah ee...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare badan geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel barafaange oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo wada dega bariga Galgaduud, waxaana la soo wariyay in dagaalka...
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa wax dambi ah ku weyday agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, Muxiyadiin Xasan Jurus (Saabey).
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa faray hay’adaha ay ka tirsanaayeen masuuliyiintan inay usoo celiyaan xaquuqdoodii sharci, wuxuuna...
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Sulub Axmed Firin ayaa ka hadlay talaabooyin dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ciidanka kusoo xirxireen qaar ka mid ah shaqsiyaad caan ka ah baraha bulshada oo aflagaado iyo kicin dadweyne ka dhex waday baraha Internetka.
Taliye Sulub ayaa sheegay in marnaba la ogolaan doonin in baraha...


















