Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta khudbad ka jeediyay shirka 10-aad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha, ayaa si qoto-dheer uga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Carabta.
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu...
Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay hannaanka doorashada hoggaanka sare ee Midowga Afrika, iyadoo loogu baaqay musharraxiinta daneynaya inay soo gudbiyaan taariikh nololeedkooda oo ay weheliso bayaanno muujinaya sida ay doonayaan inay horumariyaan ajendaha isbeddelka ee Midowga Afrika.
Doorashada ayaa dhici doonta bisha Febraayo 2025 inta lagu guda jiro shir madaxeedka...
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa todobaadkii labaad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah dadka baraha bulshada ka dhex sameeya anshax xumada iyo kicinta dadweynaha ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu...
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in aysan ku lug lahayn weerar duqayn ah oo ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.
Idaacadda VOA Soomaali ayaa sheegtay in taliska Maraykanka ee Afrika uu farriin qoraal ah ugu sheegay in aanay jirin wax duqayn ah oo ay geysyteen ciidamada Maraykanka.
Warkaan ayaa kusoo beegmay,...
Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay ka qeyb galka Somaliland ee caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bishaan May.
Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa saxaafadda u sheegay, in Shiinuhu mowqifkiisu yahay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya.
“Shiinuhu uma arka Somaliland dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada...
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa halkaas ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.
Maxamuud Sayid Aaden ayaa gudaha degmada Ceelwaaq kula hadlay ciidan cusub oo dhawaan tababar loo soo xiray, kuwaas oo loo...
Bangiga Horumarinta Afrika ayaa maanta dowladda Fedaraalka Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $18 Milyan oo dolar, taasoo loogu talo galay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka Cimlada.
Munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska Bangiga horumarinta Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo uu ka...
Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta siyaasadda Imaaraadka ayaa lagu muujiyay khatarta sii kordheysa ee ka imaanay Puntland.
Isballaarintaan ayaa ku timid Khasaarooyin ku yimid kooxda ay iska soo horjeedaan ee Al-Shabaab oo la safan Al-Qaacida.
Wararka ayaa sheegaya in Daacish ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta Buuraleyda Al-Miskaad...
Hogggaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa sheegay, dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka doonayaan in maamulkooda uu ka baxo kumeel gaarnimada ayna siiyaan sharciyad buuxda, si buu yiri loogu quus gooyo maamulka Somaliland.
Hoggaamiyaha Khaatumo ayaa sheegay, jiritaanka maamulkiisa in uu muhiimad weyn u leeyahay isku haynta...
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, Shabaabkii looga adkaaday dagaalladii ka dhacay degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, in ay isku arursadeen buuralada gobolka Bari ee Puntland.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo la hadlayay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay, in dowladda federaalka ay duullaan ku qaadday Shabaabkaas, kuwaas oo...


















