Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
Inta la xaqiijiyay ilaa 4 ruux ayaa ku geeriyootay 11 kalena way ku dhaawacmen dagaal beeleedka maanta ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Docoleey ee gobolka Mudug.
Dagaalka...
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day ay kooxda Alshabaab ku doonayeen in ku qabsaadaan tuulada Buulo Xaaji oo Kismaayo hoos timaada, halkaas oo bilo ka hor ay ciidamada Jubbaland ka xoreeyeen Shabaab.
Afhayeenka ciidamada Jubbaland, Gaashaanke Sare Maxamed Faarax Daahir, ayaa sheegay in kooxda Shabaab ay dagaal xooggan...
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa si adag uga horyimid talaabadii uu Shalay guddoomiyaha Aqalka sare uga xayuubiyay xubinimadii kursiga Golaha Aqalka sare.
Saalax Axmed Jaamac ayaa talaabada xil ka xayuubintiisa ee uu qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ku tilmaamay mid sharci darro ah...
Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo weli ku guda jira la kulanka madaxda Soomaalida ayaa maanta wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya, qorshayaasha socda...
Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay hanjabaadda Itoobiya ee ku aaddan muranka dublamaasiyadeed ee ka dhashay heshiiskii Addis Ababa iyo maamulka Somaliland.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan cabsi gelin doonin hanjabaadaha Itoobiya, uuna diyaar u yahay dalku inuu ka jawaabo tallaabo kaste oo ka...
Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Golaha aqalka sare usoo gudbiyay qoraal ku saabsan inuu xubinimadii aqalka sare lumiyay raysal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.
Kulanka aqalka sare ayaa laga sheegay in Senator Saalax Jaamac uu maqnaa 4 kalfadhi oo xiriir ah, isagoo...
Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmad Black oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay qorshe uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ku doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha degmada Xudur oo uu tilmaamay inuu ku yimid doorasho.
Xildhibaan Black ayaa uga digay maamulka Koonfur Galbeed ineysan qalalaase...
Taiwan ayaa ku dhawaaqday in ay 22 milyan oo dollar ku maalgalinayso dib u dhis lagu samaynayo Isbitaalka Guud ee Hargaysa, sidookale 2 milyan ayay ku taageertay doorashooyinka soo socda ee Somaliland.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Wakiilka Taiwan, ayaa si rasmi ah maanta u kala saxeexday heshiis dib loogu casriyaynayo...
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo kooxda Al-shabaab Xalay ku qaaday Saldhig ciidanka Itoobiya ku leeyihiin duuleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Weerarka ayaa lasoo warinaya inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee si rasmi ah looma oga khasaaraha kala...
Waxaa Caawa Mar qura is Qabsadey Rasaas la garan waaayey waxa ay tahey hase yeeshee waxaa markii danbe La ogaadey in Rasaastu tahey Beel kamid ah BeelHa Soomaaliyeed oo u dabaal degeysay Calan ay si gaar ah u Sameysteen iyo Awooda ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Beeshaan oo deegaan ahaan...


















