Wednesday, July 29, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso inay burburiso Jubbaland, kadib markii ciidamo dowladdu ay u dirtay gobolka Jubbada Hoose. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in aysan jirin niyad ama qorshe dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay farageliso maamulka Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh,...
Xoogaga hubeysan ee Mucaaradka ku ah  dowladda Suuriya ayaa shaaca ka qaaday iney qarka u saaran yihiin iney gudaha u galaan magaalada Dimishiq oo ah Caasimadda dalkaasi Suuriya. Gaashaanle dhexe Xasan Cabdulqani oo ka mid ah waaxda howlgalada Militariga ee kooxaha Mucaaradka ayaa maanta bartiisa Talegram-ka ku shaaciyay in wax...
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ugu yaraan 30 qof ay ku Geeriyoodeen dagaal beeleed xooggan oo Jimcihii ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe sida ay sheegeen dadka degaanka. Dagaalkan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Cadale ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka...
Maamul goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay in galinkii dambe ee shalay hubka culus ee lidka diyaaradaha iney ku weerareen diyaarad ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ka dageysay garoonka diyaaradaha deegaanka Raas kambooni. Jubbaland ayaa war qoraal ah ay soo saartay ku sheegtay in diyaarada lidka diyaaradaha ku...
Dowladda Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay tallaabooyin ay sheegtay in Itoobiya ay ka waddo Gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaasi deggan, waxaana ay ku eedeysay faragelin dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya. War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Saaka ciidamo Itoobiyaan...
Wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal  ayaa sheegay isaga oo ku sugan magaalada Beled Xaawo in Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay u soo dirtay saraakiil doonayay inay xiraan kuwaasi oo u sheegay inay doonayaan inuu iskaga baxo degaanada Jubalanad uuna cambaareeyo maamulka uu hadda wasiirka ka...
Sacdiya Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Jinsiga ee Soomaaliya ayaa loo doortay Guddoomiyaha Madasha Nabadda iyo Amniga Haweenka ee urur goboleedka IGAD. Doorasho 4-tii December ka dhacday magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayay Sacdiya ay ku xaqiijisay xilkaas kadib markii uu ka tanaasulay musharraxa South Sudan Amer Manyok Deng...
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay tuulada Jambaluul ee hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkan, oo dhacay habeen hore saqdii dhexe ayaa lagu dilay dagaalamayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu ahaa mid ay...
Kooxda Daacish ee ku sugan deegaano katirsan Puntland ayaa lagusoo waramayaa inay ku howlan yihiin qodista dahabka deegaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulka Puntland. Sarkaal ka tirsan hay’adaha sirdoonka Puntland, oo naga codsaday inaan qarino magaciisa, ayaa u sheegay warbaahinta HOL, in hay’adaha ammaanka Puntland ay la socdaan...
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran. Maadama...