Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Danjire Mesganu Arga ayaa sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay in ay si buuxda u dhaqangeliso heshiiskii Ankara ka dib wadahadal ay la yeelatay wafdi ka socday Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Cali Cumar, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya.
Wafdiga...
Masar ayaa ciidamadeeda ku biirin doonta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa sidaasi ka sheegay magaalada Qaahira.
"Masar waxa ay go'aansatay in ay ka qayb-gasho howlgalkan iyadoo ku saleynaysa codsiga dowladda Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika," ayuu...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqiinay Xasan Quuri, oo horay u soo noqday taliye ku xigeenka Saldhigyada Booliiska Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Dilka Sarkaalkaan ayaa ka dhacay meel aanan sidaas uga fogeyn...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Daahir Shire Maxamed ugu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Waxaa xilkaan laga qaaday xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Sidoo kale,...
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta darajada Gaashaanle u dalacsiiyay Taliyihii Aagga Waqooyi ee magaalada Kismaayo, Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan, oo loo yaqaano Jabuuti.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in Cabdixakiin Jabuuti uu dalacsiinta ku muteystay kadib markii uu dhawaan iska diiday lacag gaareysay $90,000 oo la...
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay hamiga istaraatiijiga ah ee Itoobiya ee ah in ay galaangal ku yeeshaan Badda Cas iyo in la howlgaliyo ciidamada rasmiga ah ee badda Dowladda itoobiya.
Bayaankaan ayaa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inuu rabo in wadahadal lagu dhameeyo xasaradaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag.
Madaxweyne Cirro, oo kulan amniga lagaga hadlayay shalay la yeeshay madaxda xisbiyada mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Kaah, ayaa sidoo kale ciidamada millateriga ku amray inay si buuxda u...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka laabato go’aankii ay ciidamada Itoobiya uga saartay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya 2025.
Ciidamada Itoobiya ayaa lagu wadaa inay sii joogaan Soomaaliya, kana mid ahaadaan howlgalka cusub, sida ay HOL u sheegeen ilo diblumaasiyadeed oo xog ogaal ah.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa lagu wadaa inuu maanta yeesho kalfadhiggii 1253-aad ee heer wasiir, kaasoo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo qabanqaabada amniga ee howlgalka ATMIS-ka kaddib.
fadhiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in lagu baabi’iyo howlgalka ATMIS-ka, si loogu gudbo dhismaha...
Wararka laga helaayo magaalada Stocholom ee dalka Sweden ayaa sheegaya in halkaasi si arxan dara ah loogu dilay Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabayay Nimco Bashiir Daa'uud, oo 28 jir ah, xilli ay ku sii jeedday gurigeeda, waxaana la sheegay in uu dilku ka dhacay meel kayn ah oo...


















