Thursday, September 10, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, iyo maalqabeenka Elon Musk oo muddo dheer saaxiib siyaasadeed ahaa, ayaa dagaal adag ka dhex qarxay. Dagaalkooda ayaa salka ku haya khilaaf siyaasadeed iyo mid shaqsiyeed oo si xawli ah u sii kordhaya, taasoo burburisay xidhiidhkoodii hore. Elon Musk wuxuu ahaa taageere weyn oo Trump ah...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si degdeg ah uga falcelisay go’aanka dowladda Maraykanka ee lagu mamnuucay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay u safraan dalkaas, iyadoo muujisay rabitaankeeda ah in arrintan si diblomaasiyad leh loo xalliyo. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Danjire Daahir Xasan Cabdi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn waxa uu u dhaliilay Hannaanka loo maareeyey Gogosha Wadatashiga ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay 1-dii bishan Juun, cidda lagu martiqaaday iyo ajandaha guud ee la tilmaamay. Farmaajo waxa uu sheegay in hanaanka uu hadda wax kuwado Madaxweynaha...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga hadlay talaabada ciidanka Burundi uga soo baxeen deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana kula wareegeen Al-shabaab. Wasiirka ayaa si adag u dhaliilay talaabada ciidanka Burundi Isniintii lasoo dhaafay uga soo baxeen deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha...
Ku dhawaad laba Milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid aduunka oo dhan ayaa maanta isugu tagay Buurta Carafo si ay halkaas ugu gutaan mid ka mid tiirarka ugu waa weyn Xajka. Xujaayda ayaa aroornimadii hore ee saakay ka dhaqaaqday deegaanka Mina oo 10 KM u jira Buurta Carafo...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed waxaana Kulankaan uu horudhac u ahaa gogosha uu Madaxweynuhu ku baaqay inay qabsoomto 15ka Juun 2025. In kastoo aan si rasmi ah Villa Soomaaliya u cadeeynin cidda rasmi ah ee tagi doonta gogoshaan,...
Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay diyaarad nuuca qumaatiga u kaca (helicopter) oo ay lahaayeen ciidamada Burundi, kuwaas oo dhawaan isaga baxay tuulada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Diyaaraddan oo lagu daabulayay ciidanka Burundi ee ku sugnaa Xawaadley, ayaa la sheegay in ay cilad farsamo qabsatay, taasoo keentay in si degdeg...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukuno kala duwan ay ku riday Shabakad farsameeyn jirtay Gaadiidka Qaraxyada loo adeegsado kadib markii lasoo gabagabeeyay dhageysiga dhammaan dacwadihii lagu soo eedeeyay eedeysanayaasha shabakadaan. Shabakadaan waxaa qeyb ka ah nin lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Xasan oo ku eedeysan in uu Al...
Duqeymo cirka ah oo cusub ayaa laga fuliyey 4 goobood oo ku yaalla inta u dhaxeysa dooxooyinka Baalade iyo Miiraale, waxaana qaaday sida ay Puntland sheegtay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo si joogto ah u beegsata Daacish. War-saaafadeed kasoo baxay taliska howlgalka ka dhanka ah Daacish ayaa lagu sheegay, in...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn dhanka cirka oo lala eegtay kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaano ka tirsan gobolka Bari ee Puntland. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ay iska kaashadeen dowlada Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika...