Saturday, August 15, 2026
                              Wararka maanta laga helayo gobolka Shabeellaha dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Al Shabaab madaafiic ay xalay ku tuureen saldhigyo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay ku leeyihiin degaanno hoos yimaada Gobolka. Dadka degaanka ayaa sheegay madaafiica in lagu tuuray saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Biya-cadde ee Shabeellaha...
Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaiye, ayaa magaalladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kula kulmay Guddoomiyaha Urur gobolleedka IGAD ahna Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn. Kulanka labada mas'uul ayaa ahaa mid gaar ah oo looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo...
Raysalwasaaraha xukuumada federaaliga ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay uga qeybgalayaan shir aan caadi ahayan ee ay yeelanayaan hogaamiyaasha urur gobolleedka IGAD. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Adis Ababa ayaa garoonka...
Ismaaciil Cumar Madar oo ah arday dhalinyaro ah oo ka qayb galay tartanka qur’aanka kariimka ah ee sannad walba ka dhaca dalka Imaaraadkaa ayaa sheegay in laga soo masaafuriyey dalka Imaaraadka Carabta. Ismaaciil oo wareysi siiyey VOA ayaa soo ceyrintiisa ku sababeeyey inay la xidhiidho xiisadda siyaasadeed ee ka dhex...
Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay shir isugu yimaadaan dalalka ku bahoobey ururka IGAD Shirkan oo ah mid deg-deg ah ayaa looga hadlaayaa xaaladda dalka Suudaanta Koonfureed ee sii xumaaneysa. Madaxweynaha Soomaaliya ayaan ka qaybgalayen shirka, waxaana beddelkiisi ka qaybgalaya Raysalwasaaraha Xukuumadda federaaliga ah Xasan Cali Khey Iyadoona...
Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa ka furay shir ballaaran oo looga hadlay wada shaqeynta iyo iskaashiga dhexmaraya wasaaradda maaliyada ee dowladda goboleedka iyo dowladda dhexe, islamarkaana lagu midaynayo cashuuraha labada dhinac Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay furintaanka shirka ayaa sheegay in...
Waxaa magaalada Muqdisho maanta tagay wafdi sare oo ka socday dawladda Qatar kaasi oo madaxda dawladda Soomaaliya la kulmay. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wafdiga Qatar uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha Arirma dibedda Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi waxaana la sheegayaa in uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo...
Wararka ka imanaya magaalada Muqidishu ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay inta u dhaxaysa cisbitaalada Banaadir iyo Digfeer ee degmada Hodan. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuur uu watay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabo Jeneraal Cumar Jaamac. Sarkaalka ayaa...
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo bandhigtay waxqabadkeedii labadii bil ee la soo dhaafay ee April iyo May, Wasiir Cabdi Xoosh oo saxaafadda xafiiskiisa kula hadlay ayaa uga jawaabay su’aallo dhawr ah oo ay weeydiiyeen waxa uuna u ballanqaaday in bil walba ay Wasaaradda u...
War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu sheegay in uu amar ku bixiyey weerar qorsheysan oo lagu qaadey saldhig ururka al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe subaxnimadii maanta. Sida lagu sheegay warka ka soo abxay xafiiska Madaxweynaha Saldhigaa ayaa loo itsicmaali jirey...