Saturday, August 15, 2026
Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa shalay booqday xero ay ku jiraan ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda. Booqashada ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan golayaasha dowladda Soomaaliya, waxaana ciidanka ay ugu tageen sidii ay u dhiiragelin lahaayeen. Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay rajada umadda Soomaaliyeed...
Dabley aan la aqoon ayaa weerartay guriga madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto xili Kenya ay isku diyaarineyso dhawaan doorashada madaxweynaha. Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday xoog ku jiireen askar booliis ah oo ku sugneyd afafka hore ee guriga madaxweyne ku-xigeenka oo ku yaalay degmada...
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in loo gudbo nidaamka Asxaabta ama Xisbiyada iyada oo laga gudbayo kan hadda ay dowladda ay ku dhisan tahay ee Qabiilka. Prof Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro dhamaan sharciyadii lagama maarmaanka u ahaa...
Wiil Soomaali ah oo muddo ka xanuunsanaayay Kilyaha, ayaa qaliin lagu sameeyay kaddib waxaa laga soo saaray dhagxaan gaaraya 700 sida ay sheegtay dhakhtarad ka tirsan Isbitaal ku yaalla dalka India. Wiilkan qaliinka lagu sameeyay oo lagu magacaabo  Abdi Rahman waxaana uu ka tagay magaalada Gaalkacyo kaddib markii dhakhaatiirta ay...
Magaalada Hargeysa waxaa dib loo furay Kaniisad xirneyd mudo 30 sano, taa oo sida la sheegay ay ku cibaadeysan doonaan dadka aan muslimka ahayn ee shaqooyinka kala duwan u jooga Soomaaliland. Haweeney lagu magacaabo Marianne Vecchione ayaa iyada oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliland dib looga...
Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku leeyihiin Xaruunta Golaha Shacabka ee Magaalladda Muqdisho. Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Xukuumada Soomaaliya Abuukaate Xassan Xusseen Xaaji, ayaa maanta hortagaya Xildhibaanada, waxaana mudanayaasha Baarlamaanka ay weydiin doonaan su’aalo ku saabsan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka. 60 kamid ah...
Saraakiisha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay la waregeen deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool. Saraakiisha ma aysan sheegin magacyada degaannada ay la waregeen balse waxaa ay warbaahinta u xaqiijiyeen in ay dileen dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab kuwaas oo ku sugnaa deegaannada ay la waregeen. Biire Gaaciye Xusseen, oo...
Diyaarado dagaal ayaa lasoo sheegayaa in duqeymo ay ka geysteen saldhig ay leeyihiin Al Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Deegaanka Kulmis oo dhaca duleedka Degmada Garbahaarey ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday duqeynta, waxaana deegaanka saldhig ciidan ku leh Xarakadda Al...
Madaxweynaha maamul-gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa shalay dib ugu noqday Xaruunta ku meel gaar ka ah ee dowlad gobolleedka Galmudug. Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay howllo shaqo u joogay magaalladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ay sheegeen. Garoonka Diyaaradaha ee Cadaado ayaa waxaa ku...
Waxaa todobaadyadan Baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhaliilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda 'Igu Sawir' iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo dowladda oo loogu magac daray 'Igu Dayo'. Ololahan waxa uu soo biloowdey sanadkii hore , waxaase hadda dib usoo cusbooneysiiyey hees cusub...