Xiisad colaadeed ayaa ka taagan gobolka Sanaag, gaar ahaan tuulada Ceelbuh, taasoo u dhaxaysa ciidamo ka tirsan Puntland iyo kuwa uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in iska horimaad ka dhacay halkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad...
Midowga Afrika ayaa u kordhiyay joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya muddo lix bilood ah, iyagoo sii ahaanaya qeyb ka mid ah howlgalka cusub ee AUSSOM.
Tani waxay imaaneysa kadib markii horey loo qorsheeyay in ciidamada Burundi ay ka baxaan dalka ugu dambeyn 30-ka Juun 2025.
Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay...
Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u beeniyay wararka sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku hayso dhaqaalaha loogu talagalay dhismaha waddada isku xirta degmada Xarfo iyo magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in aysan jirin wax sabab ah oo lagu eedeyn karo Puntland in...
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay si mideysan u ansixiyeen heshiis is afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh...
Dowladda Uganda ayaa shir-guddoomisay kal-fadhiga 1287-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), kaas oo si gaar ah loogu falanqeeyay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Kulankan oo ahaa mid heer sare ah oo dhanka farsamada iyo siyaasadda ah,...
Sida lagu ogaaday baadhitaan ay si wadajir ah u fuliyeen warbaahinta Jarmalka ee DW iyo ARD, Ayuub Cabdirisaaq (oo loo yaqaan "Kabtan Ayuub") iyo Yacquub Siyaad, oo ah dhallinyaro Soomaali ah oo caan ka ah baraha bulshada, ayaa si joogto ah ugu faafinayay fariimo naceyb iyo hurin dagaal ah,...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi...
Markabka Oruc Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku guuleystay in uu dib ugu laabto dalka Turkiga, kadib markii uu baaritaan shidaal ka sameeyay xeebaha Soomaaliya, Markabka iyo shaqaalihii la socday ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay dalkooda kadib markii ay soo dhameysteen howlahooda shaqo ee...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaam cusub oo biometric ah oo lagu sugo amniga xuduudaha, si wax looga qabto tahriibka dadka, laga yareeyo socdaalka sharci darrada ah, loogana hortago khataraha amni ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Nidaamkan waxaa taageeraya Dowladda Mareykanka.
Hirgelinta nidaamkan ayaa ka...
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay diyaarad Helicopter ah oo saakay ku dhacday garoonka magaalada Muqdisho.
Axmed Macallin Xasan oo warbaahinta Qaranka la hadlayay ayaa u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee Helicopter ka ee ku burburtay Garoonka ay...


















