Isimada dhaqanka ee gobollada Sanaag iyo Haylaan, ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aaddan arrimaha siyaasadeed ee gobolka, iyo shirar la sheegay in lagu qabanayo magaalada Laascaanood.
Isimadu waxay sheegeen in gobollada Sanaag iyo Haylaan ay ka mid yihiin gobolladii lagu aas-aasay Puntland...
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf iyo ergo matalaysay gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa gaaray magaalada Laascaanood, halkaas oo uu tobanka bisha ka furmidoono shirweynaha dhameystirka Dowlad Goboleedka Khaatumo.
Cabdirashiid Yuusuf jibriil ayaa sheegay mar uu xalay ka hadlayay shir lagu qabtay degaanka Damale Xaggare in ay soo...
Xaalada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa saaka ah mid degan, kadib dagaalo culus oo Shalay ilaa Xalay ku dhexmaray gudaha iyo daafaha magaaladaas ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab.
Sadax sano kadib kooxda Al-shabaab ayaa Xalay u aheyd habeenkii ugu horeysay oo ay ku...
Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal cirka ah oo ka dhacay dooxada Baalade ee buuraha Cal Miskaad lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish, isla markaana la xaqiijiyay in la dilay bartilmaameedkii ugu weynaa.
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in...
Maamulka Puntland ayaa mamnuucay qabashada shirar aan oggolaansho laga haysan maamulka gobolka Sanaag oo lagu taageerayo maamulka SSC Khaatumo
Qoraal uu maamulka soo saaray ayaa si cad u faraya in la joojiyo dhammaan shirarka aan maamulka oggolayn ee lagu qabanayo magaalooyinka gobolka Sanaag. Waxa sidoo kale digniin adag loo diray...
Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait ayaa laba heshiis oo iskaashi horumarineed ah la gashay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee UK, si gargaar degdeg ah oo bani’aadamnimo loogu fidiyo dadka ay saameeyeen colaadaha ka taagan Jamhuuriyadaha Sudan iyo Soomaaliya.
Sida lagu sheegay bayaan uu faafiyey wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA, labada...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa maanta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ku qabatay doorashada gudoomiyaha Iyo gudoomiye ku xigeenada degmadaas.
Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Balcad ayaa u doortay gudoomiyaha degmada ahna duqa degmada Balcad u doortay Qaasim Cali Nuur.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee degmada...
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa kulan ay yeesheen ku adkeeyay taageeradooda buuxda ee la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed.
Goluhu wuxuu si...
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa amray in dalalka ciidamada usoo dira Soomaaliya, oo loo yaqaan Troop-Contributing Countries (TCCs), ay qaataan mas’uuliyad dheeri ah si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada amniga Soomaaliya.
Go’aankan ayaa yimid kadib shir heer wasiir ah oo laba maalmood kahor...
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta wareegto uu soo saaray si rasmi ah ugu magacaabay guddiga farsamo ee dhameystirka maamul goboleedka SSC Khaatumo.
Guddigan farsamo ayaa ka kooban illaa 8 xubnood, kuwaas oo ay Wasaaraddu ugu talo gashay ka...


















