Wakaaladda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga USAID ayaa ku dhawaaqday $ 575 Milyan oo dheeraad ah oo gargaar ah in ay siineyso dalalka Yemen, Koonfurta Suudaan, Nigeria iyo Soomaaliya oo Abaaro ay ka jiraan.
Hay’adda ayaa sheegtay in ujeedada lacagtan ay u bixineyso ay tahay sidii ay u caawin laheyd malaayiin...
M/weynaha Hirshabeele Waare oo Sheegey in Siyaasadda Arrimaha Debedda looga Danbeeyo Dawladda Dhexe.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay arrimaha siyaasadda dibedda in ay wakiil ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, muhiimna ay tahay in looga dambeeyo.
Madaxweye Waare ayaa sheegay in doorka dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin arrimaha siyaasadda dibedda in uu yahay talo bixin iyo farsamo oo kaliya,...
Wali waxaa magaalada New York ka soconaya shirarka gooni goonidaa ee uu Raysulwasaare Hassan Ali Kheyre la yeelanayo madax badan oo ka socota Beesha Caalamka, kuwaas oo ay siyaabo kala duwan u kulmeen, waxaana kulamadaasi ay noqonayaan kuwo Madaxda wadamadu isku arkaan.
Raysulwasaare Kheyre waxa uu la kulmay Wasiirka Arimaha...
Shirkii todobaadlaha ee gollaha wasiirada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga Qaranka, Mowqifka Soomaaliya ee khilaafka Khaliijka iyo Miisaaniyada 2018 ka.
Kulanka oo uu shir guddoominayay ku-simaha ra’iisal wasaaraha ahna ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed, ayaa ugu...
Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacay oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay.
Mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada dowladda, AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta madaxweynaha .
Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa ayaa markii...
Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir mudo saddex maalmood ah uga socday taliska ciidamada booliiska dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka oo looga arinsanaya hanaanka dhismaha ciidamo booliiska oo isku dhaf ah.
Shirka ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen
1 :...
Kaddib qoraal uu soo saaray madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo taageeray mowqifka wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ka dhanka ah Qatar, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxay qoraal loogu soo horjeedo mowqifkaa hore ee ka soo baxay madaxweyne Xaaf.
Shir jaraa'id oo ay wada jir ugu qabteen...
Hay'adda u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay bayaan ay uga hadlayso dhibaatada ay wajahaan qaxootiga Itoobiya ee ku sugan dalalka Bariga Afrika.
Hay'adda ayaa sheegtay in dhibaatooyiin ay la kulmaan qaxootiga, qaarkoodna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo raadineyso dadka mucaaradka ku ah.
Warka waxaa lagu...
Ilaa 200 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu xiray gobolka Koonfurta ku yaala dalka Yemen ee Hadhramaut sida laga soo xigtay booliiska gobolka.
Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ay ay qabteen 200 oo qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwasi oo ku socday hab sharci daro ah islamarkaana aan wadan dukumintiyo sharciyeysan.
Dadkan qaxootiga ah oo ay...
Labadda xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa iskaga baxay shir u socday saxaafadda iyo guddida doorashooyinka oo lagaga hadlayey sidii loo samayn lahaa guddida ilaalinta anshaxa iyo dabagalka wararka doorashooyinka, taas oo haddii war khaldan la tabiyo halis galin karta qaranka oo dhan.
Sidoo kale, waxay dalbadeen in madaxweynuhu...


















