Mudanayaal ka tirsan Labada Aqal ee dowladda oo gaaray magaalada Cadaado ayaa kulan la leh madaxweynaha Galmudug la sheegay in kalsoonida lagala noqday Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.
Wafdiga tagay Cadaado ayaa waxaa hogaaminaya guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, waxaana sidoo kale ka mid ah tiro kale oo...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadlay fal mid ka mid ah gadiidka ciidamada AMISOM uu u geystay gaari uu watay qof shacab ah.
Mid ka mid ah Gaadiidka qafilan ee AMISOM ayaa shalay Isgoyska KM4 ku jiiday gaari qof shacab uu lahaa, iyadoo tallaabadan...
Magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay tagaan xildhibaanno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka, kuwaasi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Galmudug.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta Cadaado ay tagayaan xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka kuwaasi...
Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa markii u horeysay Haweenka u ogolaaday haweenka in ay wadi karaan gaadiidka, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Boqor Salmaan ayaa soo saaray wareegto Haweenka u ogolaanaya in la siiyo ruqsadaha wadista gaadiidka.
Sacuudi Carabiya ayaa ahaa dalka kaliya ee Adduunka ka mamnuucay Haweenka inay gaadiid...
Hay'ada DDG oo ka hawal gasha gobolka Sool ayaa tababar soconayay 5 cisho waxaa loo soo xiray 35 xubnood oo loo tababaray xalinta khilaafaadka magaalada Laascaanood.
Duqa dagmada Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale ayaa ka qayb qaatay xidhitaanka isagoo sheegay in tababarkan uu ahaa mid loo baahi qabay kuna soo beegmay...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo xildhibaanno ku shiray Cadaado sheegeen in xilka laga qaaday ayaa tallaabadaas ku tilmaamay waxba kama jiraan, waxaana uu beeniyay in ay jireen xildhibaanno ku shiray Cadaado.
‘’Xildhibaanno halkan ku shiray oo xilka iga qaaday ma jiraan, waxaan rabaa in aan kuu sheego xildhibaanno aan ka...
Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay maamulka Soomaaliland in uu barakacin ku haya dadka Oromada ee ku dhax nool kaddib qalalaasihii ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay deegaanka Hawadaay.
Wasiirka warfaafinta dowladda Itoobiya Negeri Lencho ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Soomaaliland ay ka qeyb qaateen barakicinta lagu haayo...
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay safiirka Ingariiska ee Soomaaliya David William Concar.
Kulanka madaxweyne Waare iyo safiirka ayaa qeyb ka ah kulamo uu madaxweynaha Hirshabeelle saacadihii ugu danbeeyay la qaatay xubno ka tirsan beesha caalamka oo ay ka wada hadleen...
Nin Falastiini ah oo weerar soo qaaday ayaa maanta xabado ku furay halka la galo deegaan Yahuuda ay ka sameysteen duleedka magaalda Jerusalem, halkaasi oo uu ku dilay saddex nin oo Yahuud ah, isaga oo darran u dhaawacay qof kale Afraad.
Afhayeen u hadashay booliska Luba Samri ayaa sheegtay in...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wareegta uu soo saaray ku mamnuucay in la qabto shirarka iyo kulamada siyaasadeed ee aan fasaxa loo heysan sida uu hadalka ku dhigay maamulka.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu faray laamaha amniga in ay ka hortagaan kulamada iyo shirarka wax u...

















