Xildhibaanada mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa maanta warsaxaafadeed ay soo saareen ku muujiyay walaac xoogan oo ay ka qabaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka.
Warsaxafadeedka Xildhibaanada Mucaaradka ah ayaa si gaar ah farta loogu goday hubanti la’aanta siyaasadeed ee kala fogaanshaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka,...
Madaxweynaha dalka Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa si kulul ugaga digay Itoobiya in ay mar kale isku daydo in ay dagaal ku qaaddo dalkiisa, isagoo sheegay in ay tahay khiyaali laga shallayn doono. Hadalkan ayaa imanaya iyadoo xiisada u dhaxaysa labada dal ay cirka isku sii shareerayso.
Ereteriya iyo Itoobiya ayaa...
U qeybsanaha xafiiska Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa si dareen leh uga sheegay xaflad soo dhaweyn aheyd oo loogu sameeyay magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida inuu ka yimid dadka reer Hiiraan oo uu dhiigbax ku...
Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiday in Ciidamada Itoobiya ay qeyb ka noqday dhoolatus tababar militery ah oo ka dhici raba dhowaan xeebaha Soomaaliya, waxaana jirta in Dowladda Itoobiya ay si weyn u daneeneyso inay ka qeyb gasho tababarkaasi.
Intii uu socday shir dhowaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa...
Dowladda Soomaaliya, oo ah xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay saxiixa heshiiska ay kala saxiixdeen Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo ururka hubeysan ee M23.
Heshiiskan ayaa lagu saxiixay magaalada Doha ee dalka Qatar, wuxuuna tallaabo...
Somaliland ayaa sheegtay in go’aankii ay Qaramada Midoobay xayiraadda hubka kaga qaaday Soomaaliya uu ahaa mid khaldan, kadib markii shalay xeebaha Puntland lagu qabtay markab sida hub aad u badan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in go’aanka lagaga qaaday...
Markab xamuul ah oo siday hub iyo gaadiid ciidan oo shalay lagu qabtay xeebaha Puntland, ayaa la filayaa inuu kusoo xirto dekedda magaalada Boosaaso, sida ay muujinayaan xogaha hordhaca ah ee la helayo.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in markabkan uu sido hub noocyo kala duwan leh, gaadiidka...
Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa si kulul u cambaareeyay shirka ka socda magaalada Laascaanood ee lagu dhameystirayo SSC Khaatumo, isaga oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan waxba ka quseyn Puntland.
Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in la joogo waqtigii albaabada la isugu dhufan lahaa...
Suuriya iyo Israa’iil ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin uu dhexdhexaadiyay Mareykanku, sida uu sheegay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, Tom Barrack. Heshiiskan ayaa yimid kadib weeraro cirka ah oo ciidamada Israa'iil ay ka gaysteen guddaha Suuriya, iyaga oo sheegay in ay u hiilinayaan qabiil lagu magacaabo Duruus oo ay dowlada...
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa shaaca ka qaaday inay hayaan xog sugan oo muujinaysa in kooxda Al-Shabaab ay damacsan yihiin inay weerar ku qaadaan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu si buuxda ugu diyaar garoobeen weerar kasta oo lagu soo qaado xarunta,...


















