Thursday, August 6, 2026
Puntland ayaa sheegtay in xarunta tababarada ciidamada ee Turkeysom iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho ay sheegteen mulkiyadda shixnadda hubka ah ee saaran markabka lagu magacaabo MV Sea World, oo dhawaan lagu qabtay xeebaha maamulka Puntland. War-saxaafadeed caawa kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in labada dhinac  Turkeysom...
Ugu yaraan labo qof oo ka mid ahaa shaqaalaha ilaalada canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Garowe ayaa lagu dilay magaalada Garowe, halka saddex kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada amniga Puntland uu rasaas ku furay gaari nooca Brobax ah oo ay la socdeen. Falkan...
Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Omar Abdulkadir Artan, ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo 18-ka garsoore ee rasmiga ah ee ka qeyb geli doona Koobka Adduunka ee FIFA U-20 2025, kaasoo lagu qaban doono dalka Chile. Cartan, oo sidoo kale garsoore ka ahaa final-kii CAF Champions League 2024/2025, ayaa...
Waxaa magaalada Dooxa ku kulmay Marwo Maryam bint Cali bin Naasir Al-Musnad, Wasiiru dowlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Qatar, iyo Cali Maxamed Cumar, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar. Intii uu socday kulanka, labada dhinac...
Dowladda Soomaaliya maamulka Puntland ku eedeysay afduub iyo xad-gudub lagula kacay sida ay sheegtay markabka SEA WORLD oo dhawaan laga qabtay xeebaha Puntland, kaasoo waday hub iyo gaadiid dagaal. Dowladda ayaa sheegtay in Markabkan uu u rarnaa  xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, sida ku cad heshiisyada iskaashiga difaaca ee u...
Dowladda Mareykanka ayaa si cad u sheegtay inaysan taageersaneyn qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku hantido dekedda Assab ee dalka Eritrea, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka kadib khadka taleefanka uu kula xiriiray Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, Ra’iisul...
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Switzerland ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo lagu horumarinayo adeegyada socdaalka iyo amniga xuduudaha. Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo tayada adeegyada socdaalka, la kordhiyo aqoonta shaqaalaha, isla markaana la helo qalab casri ah oo lagula tacaalo dukumiintiyada been abuurka ah. Agaasimaha Guud...
Wasaaradda amniga gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ku dhexmaray magaalada Baladxaawo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa eedeymo culus loogu jeediyay iyo inuu ka dambeeyay dagaalkii maanta...
Booliiska Somaliland ayaa sheegay in aan weli la qaban ninka loo haysto in uu habeenkii Axadda laba dhallinyaro ah ku dilay magaalada Hargeysa, balse ay ku daba jiraan. Dhallinyarada la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Khadar Ibraahim Maxamed, 23 jir ah, iyo Suldaan Axmed Cabdillaahi, 22 jir ah, ayay...
Turkiga ayaa si xooggan u kordhinaya saameyntiisa siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya, iyadoo si rasmi ah loogu falanqeeyay kulan uu yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Turkiga. Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda, Nuh Yılmaz, ayaa sheegay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya inuu yahay mid gaar ah oo ku saleysan taariikh, dan-wadaag...