Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saakay gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, si uu uga qeyb galo Shirweynaha 2-aad ee Ilaalinta Cunnada Adduunka, oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay (UN), iyada oo uu shirkan xoogga saarayo sidii loo heli lahaa xal waara oo lagula tacaalo cunno yari...
Dagaallo cusub ayaa dib uga qarxay magaalada Balad-Xaawo, taasoo ka tirsan gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland, Wararka la helayo ayaa sheegaya in hoobiyayaal lagu garaacay xaafado ay dad rayid ahi degan yihiin, taasoo keentay burbur soo gaaray guryaha shacabka.
Dagaalkaan ayaa walaac xooggan ka dhalisay iyadoo laga cabsi qabo khasaaro...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, si ay uga wada hadlaan arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga, iskaashiga dhaqaale, iyo gurmadka bani’aadantinimo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii socda ee lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo darisnimo ee labada...
Golaha Cuqaasha reer Maakhir ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa soo saaray war-murtiyeed ka tarjumaya mowqifkooda ku aaddan dhismaha maamulka cusub ee laga hirgelinayo gobollada Sool, Sanaag, Cayn iyo Haylaan.
Cuqaasha, oo qeyb ka ah ergada ka qeybgaleysa shirweynaha maamulka SSC-Khaatumo, ayaa si adag u cambaareeyay waxay ugu yeereen isku...
Dowladda Hindiya ayaa Soomaaliya usoo dirtay gargaar bini’aadantinimo oo dhan 10 tan, si ay taageero ugu muujiso shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay colaado daba-dheeraaday, isbeddelka cimilada, iyo caqabado dhaqaale.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya (MEA) ayaa xaqiijisay arrintan Sabtidii, iyada oo qoraal ay soo dhigtay baraha...
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu si rasmi ah bisha Sembtember u aqoonsandoono dawlad madax-bannaan oo reer Falastiin ah, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo lagama maarmaan u ah xal nabadeed oo waara.
Go’aankan ayaa yimid xilli xiisadda Qasa ay gaadhay heer musiibo bani’aadannimo ah, halka ay...
Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay askari eedeysane ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kaasoo shalay weerar geystay dhimasho iyo dhaawac ku qaaday ciidamo boolis ah oo ku guda jiray hawl-maalmeedkooda shaqo.
Ciidamada amniga ayaa askarigaan oo baxsaday markii uu shalay falka geystay kusoo qabtay howlgal ay ka...
Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa Shalay oo Khamiis aheyd magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis cusub oo la xariira wax ka badalka fulinta kaalmada maaliyadeed ee horay u dhexmaray labada dal 17-kii bishii July ee sanadkii 2019.
Heshiiskan oo ah mid loogu magac daray bedelka hab maamuuska...
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Sabiid iyo Caanoole inuu ka socdo dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ka bilaawday gudaha deegaankaas, kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib...
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay si degdeg ah u sii daayaan markabka MV Sea World, oo dhawaan laga qabtay xeebaha Puntland, islamarkaana lagu eedeeyay inuu siday hub sharci darro ah.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in markabkaasi uu siday qalab...


















