Magaalada Doha ayaa martigelisay shirkii heer wasiir ee Kooxda Xiriirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada caalamiga ah ee lagu dhisayo saldhigyada amniga, horumarka iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Suldaan Bin Saad Al-Muraikhi, oo hadal ka jeediyay...
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, si ay u eegaan horumarka laga gaaray dadaallada xasillinta Soomaaliya iyo iskaashiga amniga gobolka.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa diiradda lagu saaray kala-guurka amni ee ka socda Soomaaliya,...
Dowladda Kuweyt ayaa shalay ku baaqday in la isku xiro dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo taageero qorshayaasha dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska dalka, heshiisiinta qaran, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed.
Baaqan ayaa yimid xilli uu hadlayey qunsulka guud ee Kuweyt ee magaalada Jidda ahna wakiilka joogtada ah ee Kuweyt...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney soo iibsatay laba diyaaradood oo nooceedu yahay Airbus A320, kuwaas oo ku howlgali doona magaca Shirkadda Somali Airlines.
Diyaaradahan ayaa 33 sano kadib si rasmi ah u howlgali doona mudo laba bilood gudahood ah, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista...
Koox siyaasadeed oo uu hoggaaminayo ciidanka milatariga ah ee RSF (Rapid Support Forces) ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqday inay dhiseen dowlad kale oo kasoo horjeeda maamulka milatariga ee fadhigiisu yahay magaalada Khartuum, iyagoo sheegtay in dowladdan cusub ay horseedi doonto mustaqbal cusub oo lagu dhisayo dal federaal cilmaani...
Qaar ka mid ah qoysas Soomaaliyeed oo ka barakacay dagaallo culus oo ka socda degmada Beled-Xaawo iyo deegaannada ku dhow ayaa gaaray degmada Mandheera ee dalka Kenya, sida uu xaqiijiyay Ururka Bisha Cas ee Kenya.
Laanta Bisha Cas ee Mandheera oo iskaashi la leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka...
Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay shan (5) eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay sameeyeen muuqaal si khaldan u muujinayay askari dharcad ah oo dhacaya qof jalaatoole ah.
Muuqaalkan ayaa shalay si weyn loogu faafiyay baraha bulshada oo ay ka dhalatay falcelin weyn, waxaana markii dambe la...
Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaya weerar Xalay ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa dowladda Itoobiya ku qaadeen xero ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan gudaha degmada Doolow ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowlada lagu weeraray xeradii ay...
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Durduro oo hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Howlgalkan ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasoo lagu magacaabi jiray Axmed...
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in ay jiraan wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo ururka Al-Shabaab oo loo aqoonsaday urur argagixiso.
Wasiirka ayaa sheegay in wararkaasi gebi ahaanba aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna sheegay in Mareykanku...


















