Wednesday, August 19, 2026
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed Jen Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa maanta booqday saldhiga dowlada Turkiga ee magaalada Muqdisho. Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiil Turkish ah oo halkaa tababar ku siineysa ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida tababarka uu u socdo, isagoo...
Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago. Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga Qaranka ayuu Mr Mugabe ku sheegay in uu shir...
  Iyadoo dhawaan baarlamaanka Soomaaliya uu sharci darro ku tilmaamay tallaabadii dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu gacan galisay dowladda Itoobiya Cabdikariin Qalbi-Dhagax ayaa waxaa markii ugu horeysay arrintaa ka hadlay qoyska Qalbi-Dhagax oo dalbaday in dib loo soo celiyo. Maryan Cabdi Maxamed oo ka mid ah xaasaska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax...
 Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah kula qaadatay Muqdisho odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Wasiir ku-xigeenka wasaarrada Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen odayaasha dhaanka Soomaaliyeed yahay mid muhiim u ah geedis socodka dib-u-eegista lagu sameynayo qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliyeed. “Odayaasha dhaqanka waxa ay...
Madaxweynaha dowladdda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo shalay ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa kala hadli doona mas’uuliyiinta Imaaraadka arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo in Imaaraadku...
Wasiirka Wasaarrada Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono canshuurista Gunnada ay qaataan. Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga qaadayaa canshuurista Gunnada ay qaataan,...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta. Ujeedada safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhaxdhaxaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha...
Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jabisay islamarkaana carqalad ku tahay cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya. Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay si sharci daro hub uga iibisay ama ugu geysay qaar ka mid ah maamulada dalka ka dhisan, taasina...
  Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa shalay si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay Qasriga madaxtooyada Garoowe. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay Danjiraha ka wadahadleen arrimo ay ka mid ahaayeen horumarinta mashaariicda dowladda China ay...
Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ugu baaqay Xisbiyada in ay ilaaliyaan xasiloonida, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kicin iyo iska horkeen bulsho. Siilaanyo ayaa dhinaca kale faray Xisbiyada ku tartamay doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliland midna ku dhawaaqin guul doorasho ilaa laga helayo natiijada ay soo...