Dufcaddii ugu Horeysey Ciidamo ay Tababareen Dalka Turkigu oo M/weyne Farmaajo usoo Xirey.

0
722

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Tababar u soo xiray dufcadii u horeeysay ciidamo uu Turkiga ku tababaray xeryahay militari uu ku leeyahay Muqdisho.

Ciidamadan ayaa ah kuwii u horeeyay ee lagu tababaro xerada Turkiga, waxaana la barayay tabaha ciidamada, xeeladaha dagaalka, waxaana casharo siinayay saraakiil ka tirsan Turkiga.

Ciidamadan ayaa soo bandhigay dhoolatus milateri iyo xeeladihii loo tababaray, waxaana ka muuqatay tababarka la siiyay.

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabaddii tababarka loogu soo xirayay ayaa ugu baaqay inay ka qeyb qaataan difaaca dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada, Safiirka Turkiga iyo saraakiil ciidan.