Wednesday, August 19, 2026
Hay’adda madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa (Action for anti corruption (AAC) ) ayaa sheegtay in Somaliland ay ragaadisay musuqmaasuq baahsan, taas oo sababtay in cid kasta gungurayso inay xil ka qabato si uu dhaqaale uga urursado. Hay’ad amdaxa banaan la dagaalanka musuqmaasuqa (AAC ) oo fadhigooddu yahay magaaladda Berbera...
Munaasabad ay ku qalin jabinayeen 558 Arday oo ka baxay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIU ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho. Munaasabadan oo hab maamuuskeedu aad u sareysay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Dahir Cusmaan,...
Isbahaysiga Mucaaradka dalka Kenya ee magacooda loo soo gaabsho NASA ayaa dib u dhigay dhaarinta musharaxooda Madaxweyne, Raila Omolo Odinga. Dhaarinta  Raila iyo Ku-xigeenkiisa  Kalonzo Mosyoka ayaa lagu waday in ay dhacdo maalinta Talaadada oo ku beegan maalinta Berri ah 12ka December. War-saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Mucaaradka ayaa lagu sheegay...
Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ku aadanaa in xanibaad dadban la saaray Wasiirada Maamulkaasi. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Cige Deyr oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegaya in Madaxtooyada laga celiyay Wasiiro, sidoo kalena loo diiday...
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxaa la horgeynayaa Miisaaniyadda dowladda 2018. Xildhibaanada ayaa ka dooddi doono Miisaaniyadda dowladda 2018, waxaa ayna ku dari doonaan Talooyinkooda ku aadan Miisaaniyada iyo qaabka loogu qoondeeyay miisaaniyadda. Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in guddiga miisaaniyada iyo maaliyadda iyo Wasaarada Maaliyadda ay...
                          Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska oo lagu qabanayo magaalada Masqad ee dalka Cumaan ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka Mr Talb Rufai iyo mas’uuliyiin kale. Shirkan oo ah kii labaad...
Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan tirada dadka lagu dilay Soomaaliya laga soo bilaabo 2016 illaa 2017. Warbixinta ayaa sheegtay in Soomaaliya waxyeelo loogu gaystay 4,585 qof oo isugu jira dil iyo dhaawac, laga soo bilaabo January 2016 ilaa 14-ka Oktoobar 2017. Tirada dhimashada...
Ciidamo ka kala tirsan Nabad-sugida dowladda Soomaaliya iyo militariga ayaa ku dagaalamay Isgooyska Tarbuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay ciidamadan Nabad Sugida isku dayeen in ay hubka dhigaan ciidamo militari ah oo halkaa ku sugnaa. Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arintan la xiriirto muran maalmihii ugu...
Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus. Mr Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo...
Shirka Wasiirradda Arrimaha dibadda dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar. Shirkaan oo ahaa mid diiradda lagu saaray xaaladda magaalada Qudus iyo sidoo kale go’aankii madaxweyne Trump, waxaa ay sheegeen wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta in ay tahay wax aan...