Sunday, November 8, 2026
Dowladda Qatar ayaa cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda. Dacwadan ayaa waxaa gudbiyay Wiilka joogtada ee Qatar u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa cabashada u gudbiyay Golaha Ammaanka, isagoo sheegay in diyaarad dagaal oo laga leeyahay...
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalintii shalay dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo fool leeyihiin sida uu hadalka u dhigay deegaannada Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisu ku soo fool leeyihiin...
Wararka ka imanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Guri ku yaalla degmadaasi uu ka dhex dhacay Qarax siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha degmada. Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray guriga uu ka dhax dhacay qaraxa, waxaana ay halkaasi kala baxeen...
Guddoomiyaha Guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer Qaran Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in Todobaadka danbe War ka soo saarayaan go’aanka Maxkamada Sare ay ku joojisay dib u  soo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha shacabka. Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in maalinta Axadda kulan ay ku yeelan doonaan xubnaha guddiga...
 Ra’iisal Wasaaradda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo arrimo kale, waxaana warbixino looga dhageystay kulankaasi Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka. Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka...
Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Tukko Raq, waxaana laga soo saaray go’aan ah in la ilaaliyo xuduudda,isla markaana aan cidna laga ogolaan inay ku soo xadgudubto taako ka mid ah dhulka Somaliland. Kalfadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Somaliland oo...
 Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray kuraasta Xildhibaanada ee ka banaan baarlamaanka 10aad, muddo lix bilood ka badan, iyadoo Golaha walaac ka muujiyay, kana soo horjeestay go’aanka Maxkamadda sare ee gal dacwadeed ugu furtay kuraasta Xildhibaanada ee bannaan. Akhriso Bayaanka : warsom2011@gmail.com
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu wadahaddalo la billaabi doono Dowlada Kuuriyada Waqooyi marka la gaaro xilliga ay ku habboon tahay. Wadahadal ku dhexmaray Khadka Telefoonka Arbacadii, isaga iyo dhighiisa Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in, ayuu Trump ku sheegay inuu Mareykanka uu u furfuranyahay wadahadal uu la yeesho Kuuriyada Waqooyi. Bayaan...
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho hergalisay xarun dhalinyarada looga wacyi-galinayo ku biirista kooxaha Xag-jirka sida Al-shabaab iyo Daacish, iyadoo la adeegsanayo Internet-ka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo xarunta Daahfurtay ayaa sheegtay in ay soo gudbin doonto fariimo ay dhalin yarada kaga wacyigelineyso ku biirista ururka al-Sshabab, isla...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dowlad goboleedka Puntland xalayna ku hoyday magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa maanta wuxuu gaari doonaa magaalo Xeebeedka Boosaaso. Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan laga dareemaya magaalada Boosaaso iyadoo amaanka magaalada aad loo adkeeyay waxaana...