Wiil Aad u Taageerey M/weyne Farmaajo Maalintii La Doortey oo uu Kula kulmey Garoowe.

0
598

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Garowe ee xaruunta dowlad goboleedka Puntland ayaa la kulmay will da’yar oo aftahan ah si weyna u taageeray markii la doortay madaxweyne Farmaajo  bishii Feb 8 ee sannadkii la soo dhaafay.

Wiilkan oo lagu magacaabo Mustafa Cabdiraxmaan ayaa doorashadii Farmaajo ka dib hadalo qiira leh ka jeediyey goob ay ku kulansanaayeen saxaafadda oo isha ku hayey doorashada ka soctay magaalada Muqdisho.

Hadalada sida weyn loogu xasuusto Mustafa ayaa waxaa ka mid ahaa “Gabre waa kugu daadsantahay caawa” isaga oo ula jeediyey in Gen. Gabre laga guuleystay. Dad badan ayaa waxay aaminsanaayeen in dowladda Itoobiya ay taageereysay  Madaxweynihii hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkaan Hoose ka daawo warbixintii la yaabka lahayd ee uu Mustafa Cabdiraxmaan ku ammaanayey MW Farmaajo

warsom2011@gmail.com