Wednesday, August 19, 2026
Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka kulankiisii Seddexaad ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 12 qodob. Lataliyaha Wasaaradda Dastuurka ee arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka, Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa Wadaxaajood iyo falanqayn dheer kaddib Warfidiyeenada u Aqriyay qodobadan soo scoda oo ay madashu isku...
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay  lagu qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, waxaana iska horimaad ku dhawaad Saacad socday uu dhaxmaray ciidamada difaaca hore ee Wasaaradda iyo kooxaha weerarka soo qaaday . Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha Weerarka ku qaaday Wasaaradda aysan u...
https://youtu.be/ylRbwsL2saE Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Tababar u soo xiray dufcadii u horeeysay ciidamo uu Turkiga ku tababaray xeryahay militari uu ku leeyahay Muqdisho. Ciidamadan ayaa ah kuwii u horeeyay ee lagu tababaro xerada Turkiga, waxaana la barayay tabaha ciidamada, xeeladaha dagaalka, waxaana casharo siinayay saraakiil ka tirsan...
Wararka ka imanaya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaa ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa shacabka degmada iyo ciidamo Kenyaan ah oo la sheegay in ka soo talaabeen dhinaca Xadka. Xiisada oo taagneyd ilaa shalay ayaa sii xoogeysatay maanta kaddib markii ciidamada Kenya qiyaastii 100 tallaabo...
                      Wasiirka arimaha Socdaalka iyo Qaxootiga Canada Axmed Xuseen oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa kormeer ku soo maray xeryaha qaxootiyada ee ku yaala dalkaas halkaasi oo ay ku xaraysan-yihiin kumanaan Somaali ah oo colaado ay soo barakaciyeen. Waxaa booqashadan ku wehlinyay Flippo Grandi oo ah mas’uulka ugu sareeya hay’adda...
 Golaha Amaanka ayaa cod buuxa ku meel mariyey in xayiraado adag la saaro Kuuriyada Waqooyi, taasoo jawaab u ah tijaabadii dhawaan ay ku samaysay gantaalaha ballistigga. Qaraarka qabyada ah ee Qaramada Midoobay waddo waxaa ka mid ah in hoos loo dhigo shidaalka uu dalku dibadda u dhoofiyo 90%. Shiinaha iyo Ruushka...
Saraakisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in xoogagga Al-Shabaab ay dajiyeen qorsheyaal halis ah oo dhanka Sirdoonka ah,sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Sirdoonka Kenya. Joseph Kanyiri oo ka mid ah saraakiisha Kenya  ayaa sheegay in Al-shabaab ay diyaariyeen haween sida uu hadalka u dhigay ay geyn doonaan gobollada Soomaalidu...
Rag hubeysan ayaa subaxnimadii hore ee saakay ku dilay degmada Waabari ee Gobolka Banaadir Guddoomiye laameed ka tirsan degmadaas. Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ragga dilka fuliyay ay saarnaayeen Mooto, iyaga oo markii danbe ku baxsaday Mootadii ay wateen. Ciidamada dowladda ayaa howl gallo lagu baadigoobayo kooxaha dilka geystay...
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay La taliyihiisa dhinaca Ammaanka Qaranka CabdiSaciid Muuse Cali oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed. Warkan ayaa soo ifbaxay kaddib markii Twitterka Ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating lagu soo qoray in uu kulan la...
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ku gacanseyray go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ku soo afjaray kiiskii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay ku soo eedeysay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo ahaa fal dambiyeed qiyaano Qaran dumis. Xeer ilaaliyaha oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in...