Maqaamka Caasimada Soomaaliya oo uu ka Hadley R/Wasaarihii Hore Cali Maxamed Geedi.

0
231

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Maqaamka gobolka Banaadir uu yahay mar walba arrin Dastuuri ah oo waajib ku ah sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo tallada dalka heysa.

Arrintan ku saabsan ka hadalka Maqaamka gobolka Banaadir ayaa dood weyn ka dhax-dhalisay maamulka gobolka Banaadir iyo madaxtooyada Soomaaliya waana tan keentay in uu xilkiisii ku waayo guddoomiyihii gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

“Waa markii ugu horeysay ee Wasiir xilka haya loo magacaabo gudoomiyaha Gobolk Banaadir, taasoo muujineysa in sare loo qaaday maqaamka caasimadaa ayuu yiri’’ Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhaweynayay guddoomiyaha cusub ee gobolka Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay jirin cid shaki gelin karta maqaamka ay dadka jecel yihiin iyo xuquuqda ka maqan dadka deegaanka.

“Maqaamka gobolka Banaadir ma’aha wax shaki ku jira, waana mid dastuuri ah oo cid kasta waajib ku ah oo qarankan qabata”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

28bishan aynu ku jiro ayaa loo ballasan sanaa qabsoomida shirweynaha Wadatashiga gobolka Banaadir, hasse ahaatee waxaa muuqata in shirkaasi uu hadda meesha ka sii baxayo kaddib markii uu xilka laga qaaday guddoomiye Taabit oo shirkaasi ku dhawaaqay.

warsom2011@gmail.com