Millateriga Dalka Turkiga oo Gudaha u Galey Dalka SYRIA Iyagoo Dagaal kula Jira Jabhadda YPG.

0
574

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Axadii gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal.

Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaaran oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, ka dib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu wacad ku maray inuu burburin doono maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, ayaa sheegtay in ciidamadooda ay xadka ka gudbeen, isla-markaana ay wadaan hawlgal ay ku baacsanayan maleeshiyada YPG.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Binali Yıldırım, ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa ay Gobolka Afrin ka samayn doonaan hawlgal 30km ka caagan maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG. Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu hadafkoodu ku sheegay inay halkaasi ka hirgeliyan amni la’isku halleen karo.

Saraakiil u hadashay YPG, ayaa dhankooda sheegay inay iska difaaceen ciidamada Turkiga, isla-markaana ay madaafiic gudaha ugu tuureen dalka Turkiga. Saraakiishan waxay Turkiga ku eedeeyeen in sagaal ruux oo rayid ahi ku dileen gobolkaasi.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka, ayaa ugu baaqday dowladda Turkiga inay is xakameyso, ayna ka fogaato khasaaro hawlgalkeeda ka soo gaara dadka rayidka ah.

YPG oo horey xulufo ula ahayd Mareykanka, ayaa ka qayb qaadatay gulufkii lagula dagaalamay Daacishtii ku xooganeyd Syria, oo la rumeysan yahay in awoodoodii la wiiqay.

Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe ka codsaday in shir deg deg ahi uu arrintani ka yeesho.

Kurdiyiinta Syria oo markasta oo dagaal la qaado ka adkaan jiray maleeshiyadii Daacish, ayaa waxaa la leeyahay waxaa hadda ku adkaan doonto inay iska difaacaan militariga xoogga badan ee Turkiga.

warsom2011@gmail.com