Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw xabsiga dhigay Siyaasiga Kamaal Daahir Gutaale guddoomiyaha Xisbiga Wadajir iyo Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Sayid Cali Macalin Cabdulle.
Siyaasiyiintan ayaa laga xiray hotelka Maka Al-mukarama oo ay ku sugnaayeen, waxaana watay ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugida.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishuur ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in ciidan ka tirsan NISA ay xabsiga dhigeen Kamaal Gutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle.
Ilaa iyo hadda lama oga sababaha loo xiray mas’uuliyiintan, hase ahaatee waxaa lala xiriirinayaa inay daba socoto xarigii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo 17-kii December ee sanadkii hore, markii ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ay ku weerareen gurigiisa.
Inkastoo Mar Danbe la Sheegey in Xoriyadooda ay Dib u heleen Hadana Ciidanka Nisa Wax War ah kama Soo Saarin Xarigga Maasuuliyiintan,Warar ayaana Sheegaya in Masuuliyiintu Hotelka ay Shir ku lahaayeen ayna Ciidamadu ka War heleen,Sidaasna ay Hotelka usoo galeen si ay kulankaas u hakiyaan,Mana cadda Wixii la Doonayey in kulanka looga Hadlo.









