Thursday, August 20, 2026
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay garoonka diyaaradaha Garoowe oo loogu magac-daray Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe. Munaasabada Furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin faro badan oo ka kala socday dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed...
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan tababarka iyo la-talinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si ay u qaataan mas’uuliyada amniga dalka, kahor inta aysan ka bixin dalka. Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ayaa sheegay in...
Dalka Sudan waxaa ka dhacaya banaanbaxyo looga soo horjeedo qiimaha rootiga oo kordhay taasoo ay dadku aad uga cabanayaan Waxaana meesha ka baxay lacago ay dowladda ku kabi jirtay iibka rootiga ka dibna waxaa cirka galay lacagta lakala siisto rootiga Banaanbaxyadan ayaa ka bilowday goboladda Koonfurta waxayna markii dambe ku sii...
Saraakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa sheegtay in Rag ay ay u maleynayan in ay ka tirsan yihiin Xarakada AL-shabaab ay jareen Isgaarsiintii Magaalada Katulo ee Waqooyi Bari Dalka Kenya. Taliyaha booliska Wajeer  Stephen Ngetich,ayaa xaqiijiyay in niman hubeysan ay gantaal ku dhifteen dhismaha Laanta Sharikadda Safaricom ee Magaalada Katulo...
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wafdi uu horkacayo oo maalintii shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay ujeedka halkaasi uu u tagay in ay qeyb ka tahay dhameystirka heshiiskii magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen Maamulada Puntland iyo Galmudug. Taliyaha ayaa sheegay in meel gaba gabo ah uu marayo dhameystirka heshiiskii...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo oo maalintii shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in uu maanta xariga ka jaro Garoonka cusub ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland laga hergaliyay. Waxaa socta qaban qaabada munaasabada furitaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe, oo ay ka qeybgali...
Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,...
Waxaa maanta si rasmi ah xilalkii loo magacaabay ula wareegay saddexda Wasiir ee wasaaraddaha Arrimaha Dibadda,Gudaha iyo Ganacsiga munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa. Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir ayaa lagu hor dhaariyay...
                    Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ,xilli maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu diyaar-garoobayay soo dhaweynta isaga iyo wafdiga la socda. Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada kuwooda ugu muhiimsan ayaa wafdiga madaxweyne Farmaajo ku soo dhaweeyay garoonka...
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda. Axmed Ciise Cawad ayaa horay u ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka,...